Awdalpress – London – Ra’isalwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed oo ka hadlayay safarkii uu ku tagay Muqdisho iyo heshiiskii uu la gaaray madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in mustaqbalka la mideynayo labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya.
“Ujeeddada ugu weyn ee wada hadallada ayaa waxa ay ahayd ilaa iyo goormaan taariikhda madaw ee colaadeed ee labadeenna dal soo mareen ka sheekaynayaa, oo aan leennahay hebel hebel ayuu dilay oo aan sheekadaasi jiilal badan kaga hor istaageynaa in aanay hormar gaadhin, oohinta iyo dhacdooyinkaa nasiib darrida ahi sow naguma filla, korneel Mengistu iyo Siyaad Barre ayaa waxaa iyo waxaa sameeyey intaan ka sheekeyn lahayn oo aan labadan shacab ee walaalaha ah kala geyn lahayn. Miyaanay haddoobayn in labada shacab ay u gudbaan fursado ay ku kulmaan, aan isugu soo dhawaadaan, oo aan isdhexgal iyo midnimo dhab ah sidii aan isugu keeni lahayn aan waddadeedii ku lafa gurro. Taasi ayaan guud ahaan ka wada hadalnay madaxda Somalia ee maanta” ayuu yidhi Dr Abiy Ahmed.
Dr Abiy oo sii hadlayay ayaa sidoo kale yiri ” Wadahadalladi na dhexmaray annaga iyo Somalia waxa ka soo baxay arrimo raja badan na geliyey, si ku meel gaar ah inaan iskaashi dhaqaale oo dhammeystiran u yeelanno, mustaqbalkana annaga oo shacabka midaynayna inaan hal dal oo dhammeystiran aan isu beddelno. In dekad la kireeyo ama inaan annaguna bun halkaa ka dirno oo keli ah iyadoo aysan ahayn kheyraadka baahsan ee gobolka ka jiro iyo kheyraadka shacab ee ka jiraba in la isu geeyo waxaa lagu abuuri karaa gobol dakada badan leh, kheyraad badan leh, shacab tira badanna leh oo suuq weyna noqda”.
Mar uu ka hadlayay arrimaha badda Soomaaliya maadaamaa Itoobiya ay bad la’aan tahay ayuu sheegay in aysan suurtogal ahayn in Soomaaliya badda intaas la’eg lahaado, Itoobiyana aanay yeelan meel ay deked ka dhigato, “taa micnaheedu waa maxay? soomaaliya waa dal Juqraafi ahaan meel hal bowla ah ku yaalla, laakiin biyaha badda intaa le’eg ee Soomaaliya ku wareegsan maalinti inaan hal Markab lagu arkin ayuu noqday, biyahaasi badda intaa le’eg oo aan maalinti hal Markab xitaa lagu arkeyn, biyahana ay ahayn kuwa la cabbo dhulki wax lagu beeran lahaana biyahaasi uu dalku ka haystaan, anaguna aan dhahno dekad la’aan ayaan nahay oo aan dhibtoonno marka mustaqbalka fog laga eego aad ayey noo dhibeysaa waxyeella ayayna nagu haysaa”.
Xagga midnimada waxa uu tusaale u soo qaatay dalal adduunka ka mid ah sida Imaaraatka iyo Maraykanka, wuxuuna ka yiri “waddamada geeska Africa ka jira haddii ay u suuragashay inay noqdaan hal dal oo mideysan sida UAE, ama sida Mareykan amaba Yurub oo kale ay noqdaan, intaan ka baxno waxyaabaha yaryar oo aan kireyno inta aan ku noolaan leheyn waxaan heli karnaa faa’idooyin ka ballaadhan ayaan heli karnaa, caalamkana waxaan ku yeelan karnaa awood aan kula gorgortanno taa ayaan ka wada hadalnay”.
Balse fikirka Dr Abiy waa uu ka balaaranyahay Soomaaliya iyo Itoobiya, waxa uu qabaa falsafad ah in gobolka Geeska Afrika oo dhan la mideyn karo, lana gaarsiin karo barwaaqo sooran, wuxuuna yiri “biyahaasi aan dabiici ahaan ku helnay haddii aan dekad ahaan u isticmaalno maadaamaa uu u dhow yahay marin muhiim ah hanti badan ayaan ka heleynaa, annaguna wax kala iibsiga ina dhexmaraya lafteeda waxaa isku dhaafsan karnaa hanti aad u badan, Soomaliya, Kenya , Jabuuti iyo Eretiriyaba, waxaan noqoneynaa tira shacab oo gaadhaya kala badh iyo ka badan shacabka Mareykanka, waa shacab aad u badan”.
Dowladda Soomaaliya ayaa markiiba ka jawaabtay hadalka Dr Abiy, iyada oo wasiirka warfaafinta dowladda Federaalka Daahir Maxamuud Geelle uu sheegay in aysan arrintaasi la midaynayo Somalia iyo Ethopia immga waxbo ka jirin, balse ay Somalia iyo Ethopia u wada hadleen labo dal oo kala madax banaan.
Hadallada Dr. Ahmed iyo midnimo lagu illoobo sheekooyinkii xumaa ee taariikhda soo maray ee uu ka dhawaajiyey, taasi oo lagu kala geynayey labada shacab, dabcan way taabanaysaa Somaliland. Waayo, shacabka reer Somaliland laftooda ayaa ku wardiya taariikh dhaw oo ay madaxda Somaliland dadkooda ka dhaadhicinayaan dhibtii ka soo gaadhay midnimadii, isla markaana cadaw u tusaya shacabka Somaliyeed ee koonfurta. Taasi oo ay ujeedka siyaasiyiinta Somaliland ay tahay in ay ku xalaaleeyaan doonista dawladnimo iyo gooni isu taagga Somaliland. Balse ay ogyihiin ay shacabka Somaliyeed mid qudha yihiin.
Dhinaca kale waxa diciifay siyaasaddii ay maamulka Somaliland ay kula macaamili jireen dunida iyo xidhiidhkii caalamiga ahaa ee ay isu arkayeen in ay u madax bannaan yihiin, taasi oo ka dhalatay soo noolaashaha dawladnimo ee Muqdisho iyo ictiraaf la’aanta dawladnimo ee Somaliland. Xaqiiqada aan laga tallaabsan karaynina waxa ay tahay in Somaliland ( oo weliba xilligan colaadi dhinacyo badan kaga furan tahay ), ay beddesho siyaasaddeeda dibadda iyo guud ahaanba siyaasadda aan immiga horusocodka lahayn ee ay dabada hayso.
Arrinta keliya ee immiga Somaliland ay guul ku gaadhi kartaana waa iyada oo ay hoggaanka u qabtaan dawlad xubnaheedu ay aqoon, waaya aragnimo dawladeed amma maamul, karti iyo fahmo siyaasadeed isku darsadeen, taasi oo ku iman karta calool adayg uu Madaxweyne Muse Bixi ku wajaho isbeddel luxdan oo uu golihiisa aan macnaha lahayn ku beddelo.
Qormada qayb waxa xuquuqdeeda leh BBC
Awdalpress





