Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxweynaha Maraykanka Mudane Trump oo Amb. Yamamoto u magacaabay safiirka Somalia

$
0
0

Awdalpress – London – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Donald Y. Yamamoto u magacaabay inuu noqdo safiirka aan caadiga ahayn, islamrkaana leh awoodda buuxda ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya.

 

Mr. Yamamoto ayaa hadda ah ku xigeenka kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee xafiiska arirmaha Afrika.

 

Waxa uu horey usoo noqday sii-hayaha kaaliyaha xoghayaha xafiiska arrimaha dibedda.

 

Muddadii uu ka shaqeynayey siyaasadda arrimaha dibedda Mareykanka, DonaldYamamoto waxa uu soo noqday safiirka Mareykanka ee dalalka Ethiopia iyo Jabuuti.

 

Waxa uu saddex shahaado oo kala duwan ka kala qaatay jaamacadaha Columbia University iyo National War College ee dalka Mareykanka, isaga oo sidoo kalena ku guuleystay 22 abaalmarin oo ay bixisay waaxda arrimaha dibedda Mareykanka.

Waxan warkan ka soo xigannay VOA
Awdalpress

Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images