Awdalpress – London – Bishan July 21 keeda ayaa lagu wadaa in uu bannaan bax ballaadhan oo lagu taageerayo isbeddellada Ethopia ka socda, ay shacabka amma Jaaliyadaha ee ka soo jeeda Ethopia iyo Eritrea ay isugu imaan doonaan dowing street London.
Bannaan baxan ayaa noqon doona mid lagu muujiyo taageerada ballaadhan amma fariin ay dirayaan Jaaliyadaha dalkan UK degeni. Taasi oo taageero ah.
Dhinaca kale waxa aan xog ku hellay in la wado Petition amma isbeddel la doonayo in lagu beddelo calanka Ethopia, gaar ahaan calanka oo laga dhex saarayo xiddigta geesaha badan. Xiddigtaasi geesaha badan oo muujinaysa bay yidhaahdeen tafaraaruq iyo macno aan dan u ahayn shucuubta Ethopia ku wada nool. Waxana lagu beddeli doonaa calaamad midnimo, is jacayl iyo mid caddaaladi ay udub dhexaad u tahay.
Mar ay saxaafadda awdalpress.com la sheekaysatay dad badan oo ka soo kala jeeda Oromo, Amhara iyo Eritrean, ayaa aragti isku mid ah ka qaba isbeddelladan socda, dhammaanna ku faraxsan in ay arkaan isbeddel noocan ah oo kale iyo nabad ay shucuubta Ethopia ku wada noolaadaan. Waxase ay ka dayriyeen shakhsiyaad saddex ah oo caan ka ah social mediaha oo ay ku shaabadeeyeen in ay ka danbeeyaan kala qaybinta Ethopia, kuwaasi oo bay yidhaahdeen uu dhiig carbeed ku jiro, ayaa bay yidhaahdeen doonaya in ay Oromada gaar u faqooqaan si ay u tusaan in ay iyagu yihiin kuwa keliya ee dalka ka talin kara. Dilka iyo iska hor imaadyada immiga dhacayana ay u sibir saareen shakhsiyaadkaasi.
Mar aan dadkaasi ka waraysannay Somalida iyo xaalkooda sida ay u arkaan, waxa ay ula muuqataa in Somalidu tahay hal qowmiyad oo ka mid ah qowmiyadaha Ethopia, isla markaana dega dhulka loo yaqaan Somalia amma Somaliland, Djabouti iyo Kenya. Ka qowmiyad ahaanna ay yihiin kuwa labaad ee ugu badan geeska Afrika marka laga yimaaddo Oromada, oo ay weliba yihiin dadka ugu fir fircoon uguna ilbaxsan xilligan. Laakiin ay nasiibdarrada haysataa ay tahay khilaafka dhexdooda ah ee ay qabiil qabiilka u kala baxeen. Balse ay ku rajo weyn yihiin in ay dhawaan ka bixi doonaan xaaladdaasi oo ay dhinacooda ka soo raaci doonaan isbeddelka socda.
Awdalpress





