Dadweynaha Mareykanka oo aad u kala qeybsan ayaa maanta u kala codeynaya labada xisbi ee Republican ka iyo Democratic ga. Si ay u doortaan xubno cusub oo aqalka congress-ka ah.
Natiijada doorashada ayaa beddeli doonta jihada siyaasadeed iyo awoodda Washington laba sano kadib markii madaxweyne Donald Trump uu xukunka qabtay.
Dhammaan 435-ka xubnood ee aqalka wakiilada ayaa dib loo soo dooran doonaa, halka 35 kursi oo ka mid ah aqalka senate-ka ayagana lagu loolamayo, waxaana taas dheer 36 ka mid barasaabyada gobollada.
Codadka ra’yiga dadweynaha iyo dadka siyaasadda taxliiliya ayaa muujinaya in xisbiga mucaaradka ah ee dimqoraadigu uu u muuqado mid la wareegi doona hoggaanka Aqalka Hoose.
Xisbiga Jamhuuriga ayaa isku haleynaya in madaxweyne Trump uu kiciyo taageerayaashooda, si ay u sii haystaan maamulka Aqalka Senate-ka oo hadda ay kaga badan yihiin diqmoraadiga 51-49.
26 ka mid ah 35-ka kursi ee Aqalka senate-ka ee lagu loolamayo ayaa waxaa ku fadhiya dimqoraadiga, taasi oo adkeyn doonta rajada dimqoraadiga ee ah inay aqalkaas kala wareegaan Jamhuuriga.
Awdalpress






