Awdalpress – London – Ilhan Omer oo dalka Maraykan ku soo gashay qaxootinimo, isla markaana ah gabadh xijaaban oo muslin ah, noqotay gabadha keliya ee Afrikan ah ee ka mid noqota golahan hoose ee looga taliyo dalka Maraykan, waxa ay soo kordhisay sharaf iyo il gaar oo ay dadka Maraykanku ku eegaan dadka sinjigoodu yahay Somalida.
Sidoo kale gabadha Ilahan waxa ay noqon kartaa siyaasiyad u hadasha dadka Somalida ah iyo kuwa la midka ah amma muslimiinta oo tirsanaya cadaadis. Taasi oo aan awal hore laga dhex helayn golahan congress ka ee dalka looga taliyo.
Dhinaca kale waxa ay model amma hormood u noqon doontaa da’ yar badan, oo ku nool Maraykan si fiicanna wax u baratay. Kuwaasi oo iyaguna sida Ilhan u soo xadhko xidhan doona, in ay siyaasadda Maraykan ka qayb qaataan, si ay talada shacabka Maraykan qayb uga noqdaan.
Xildhibaanad Ilhan, waxa ay noqotay gabadh fursad u heshay in ay ka mid noqoto aqalka hoose ee dalka Maraykan looga taliyo.
Awdalpress




