Awdalpress – Copenhagen – Wadaadka Mukhtaar Roobow ee safka hore uga jiray xarakada xag jirka ah ee Al Shabaab, isla markaana sheegata xasuuqyada muddada dheer ka socotay dalka Somalia, ayaa muddo si nabad gelyo ah ugu sugnaa Somalia.
Laakiin muuddooyinkan oo gobolkiisa Baydhaba uu ka socday tartanka loogu jiro madaweynaha gobolkaa, ayaa markii uu tartankaa ka soo dhex muuqday, waxa mar keliya lagu baraarugay xadhig soo wajahay, isaga oo ay ciidammo keeneen xabsi ku yaalla Muqdisho.
Ciidammada AMISOM oo loo tirinayey in ay wadaadka soo xidheen ayaa iska fogeeyey eedeymahaasi. Waxana warkaa lagu nashriyey bogga BBCda laanteeda afka Somaligu ku leedahay InterNetka.
Xigasho BBC Somali:
Midowga Afrika ayaa sheegay inay ciidamada AMISOM wax lug ah ku lahayn xarigga Mukhtaar Rooboow iyo Xiisadda ka taagan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed toona.
War saxafadeed ay Midowga Afrika maanta soo saartay ayaa waxay ku sheegtay xaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ka taagan si dhaw iney ula socdaan wakiilka gaarka ah ee xafiiska guddiga midowga Afrika ee Soomaaliya (SRCC) iyo Madaxa Amisom Danjire Fransisco Madeira.
Danjire Madeira wuxuu sheegay iney shacabka iyo saaxibbada midowga Afrikaba uu ku wargelinayo iney xarigga Mukhtaar Roobow Abu-Mansuur iyo in Muqdisho loo qaadaba ay wax lug ah ku lahayn AMISOM.
Awdalpress






