Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Allaha u naxariistee Wariye Cawil Daahir Salaad ayaa maanta ku geeriyooday qarax ka dhacaymaanta magaalada Muqdisho.

$
0
0

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Ugu horrayn waxa shabakadda awdalpress.com, ay tacsi u diraysaa eheladii uu ka baxay Marxuum Cawil Daahir Salaad, oo maanta ku gareeyooday qaraxii ka dhacay Muqdisha. Sidoo kale waxa aan geerida Cawil ka tacsiyadaynaynaa ummadda Somaliyeed, gaar ahaan bahda saxaafadda.

 

Warka geerida oo aan ka soo xigannay BBC Somali, ayaa sidan u qorraa:

 

Weriye Cawil Daahir Salaad oo ka tirsanaa Telefishinka Universal ayaa ku dhintay qaraxyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan shaqaalaha Universal ee Muqdisho oo maydkiisa arkay. Sidoo kale labo ka tirsanaa illaaladiisa ah iyo darawalkisii ayaa la dhintay weriyaha.

 

Image result for cawil daahir salaad

Labo qarax oo gaari loo adeegsaday ayaa saakay kadhacay magaalada Muqidisho. Kan hore ayaa ka dhacay illinka Tiyaatarka Qaranka.

Ugu yaraan 10 qof oo u badan askarta dowladda ayaa ku dhimatay qaraxii koowaad oo ka dhacay bar koontarool oo ku hortaalla Tiyaatarka Qaranka, waxayna u badnaayeen illaalada guddoomiye ku xigeenka amniga ee maamulka gobolka Banaadir Maxamad Tuulax oo marayay meesha uu qaraxu ka dhacay.

Dhaawacyada ay Aamin Ambulance qaadday ayaa la sheegay inay gaarayaan 14.

Qaraxa labaad ayaa qiyaastii muddo soddon daqiiqo kaddib ka dhacay taallada Daljirka Daahsoon. Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay.

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay mas`uuliyadda qaraxyadaasi.

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images