Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Gobolka Sanaag oo Ayax laga cabanayo

$
0
0

Awdalpress(Ceerigaabo) 02 Dec, 13–Dadka ku nool deegaannada daaqsinka leh ee gobolka Sanaag ayaa ka cabanaya raxan ayax ah oo dagay dhulkaas, waxyeellana u gaystay dhul-daaqsin baaxad leh.

Deegaannada Laasqoray iyo Durduri ayaa la soo sheegayaa inuu ayaxa dhibaato ku hayo deegaanka, isla markaana uu dhirta baabi’iyay.

Guddoomiyha gobolka Sanaag ee Puntland Maxamuud Axmed Ciyoon ayaa Bar-kulan u sheegay in ayaxu ay uga cabsi qabaan inuu waxyeello u gaysto beeraha.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ayaxa uu yahay mid waxyeelladiisa ay badan tahay, isla markaana geedaha caleenta uga daadinayo muddo yar.

Waxay codsadeen in laga caawiyo wax ka qabashada ayaxa oo dhibaatooyin saamayn ku reeba deegaanka sababai kara.

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles