Awdalpress – Muqadisho – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud ayaa goordhaweyd Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kaga hadlay go’aankii maanta ay Baarlamaanka Kalsoonida kala laabteen Xukuumada R/Wasaare Saacid.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkiisa Jaraa’id ku soo dhaweeyay go’aankaasi ay Maanta Baarlamaanka Soomaaliya kalsoonida kagala noqdeen R/Wasaare Saacid iyo xukuumaddiisa.
Madaxweynaha ayaa guddoonka Baarlamaanka iyo mudanayaasha baarlamaanka ku ammaanay go’aanka geesinimada leh ee ay qaateen,waxana uu sheegay in uu go’aankaasi ka turjumayo sida ay u xooggan yihiin hay’adaha dimoquraadiga ah ee dalka Somaliya.

Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in R/Wasaaraha iyo golihiisa Wasiirradau ay sii shaqeyn doonaan illaa iyo inta uu ka soo Magacaabayo R/Wasaare Cusub oo isna soo dhisa Xukuumad Tayo leh kana tiro badan tan hadda la riday.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan isla markaana Khilaaf ka fogaadaan waxana uu tilmaamay in Khilaaf kasta oo Dowladda ka dhac dhaca lagu kala baxayo Dastuurka Dalka u yaalla.
Awdalpress.com





