Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Shirweynihii Kowaad Ee Xisbiga Waddani UK Oo Ku Qabsoomay Magaalada Birmingham Iyo Go’aanadii Ka Soo Baxay+Muqaalo Qurxoon

$
0
0
Birmingham-(Qaran-news)-Xaflada shirweynahan oo ka dhacday hoolka xafladaha ee  ROYAL SUITE BANQUETING PLACE, ee magaalada Birmingham, ayaa ahayd xaflad si aad u heersaraysa loo soo agaasimey, taasoo ay ka soo qayb-galeen Xubno iyo Taageerayaal aad u tiro badan oo ka tirsan xisbiga Waddani. Xafladan oo si aad ah loo soo buux-dhaafiyey ayay xubnihii ka soo qayb-galay ka soo kala safreen dhamaanba Gobolada iyo Degmooyinka wadankani ka kooban yahay.

12

Xafladan oo ahay qabsashada Shirweynihii Koowaad ee Xisbiga Waddani UK, ayaa waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay, Xubno sarsare oo ka tirsan xafiiska heer Qaran ee Xisbiga Waddani, xubno ka tirsan xafiiska UK ee Xisbiga Waddani, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliland, iyo Xubno xilal sare ka qabtay wadanka xiliyadii maamuladii hore iyo tan hada jirtaba, xubnahaas oo kalsoonidooda iyo taageeradoodaba u soo raray Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.
Xaflada shirweynahan oo dhamaan dadkii ka soo qaybgalay ku abuurtay Farxad iyo Yididiilo ayaa waxaa ka hadlay Xubno aad u badan oo dhamaantoodba ka dhawaajiyey siday ugu faraxsan yihiin ka soo qaybgalka xafladan iyo weliba ka mid-noqoshadooda Xisbiga Waddani iyagoo hoosta ka xariiqay in Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane A/rahman Mohamed A/lahi “Ciro” yahay Muwaadin Nadiif ah, Sharaf badan, Hawl-kar ah, qaalina ku ah wadankeena S/land, yahayna Shakhsiga ugu quman ee wadanka ka saari kara xiligan adag ee lagu jiro.

15

Xubnihii badnaa ee goobta ka hadlay oo ay ka mid ahaayeen Xildhiban A/rahman Mohamed “Xoog”, Wasiirkii hore ee Wershadaha Mudane Mohamed Saleebaan Weyne, Agaasimihii hore ee Wasaarada Arimaha Dibada Mudane Mohamud Rageh, Xoghayaha Arimaha Khaaska ah ee Xisbiga Waddani Mudane Husein Asad, Gudoomiyaha Yurub ee Xisbiga Mudane Osman Aw-Adan, Cornayl Ahmed Jama, Hasan Harun, Chief Caqil Siciid Cawl, Xubno Gudiga Fulinta iyo Golaha dhexe heer qaran oo ay ka mid ahaayeen, Mohamed Ali, Mubarak Hilac, Abdala Saleebaan Dafle, Fardus Hamarshot, Mohamed Halac, Mohamed Esse, iyo Xubno kale oo badan ayaa qodobadii ay ka hadleen waxa ugu waaweynaa:
1) Cambaaraynta Dagaalada ka socda Taleex oo loogu baaqay in degdeg loo joojiyo, Puntland-na kala baxdo Ciidamadeeda gebi ahaanba deegamadaas. Xukuumadana waxaa loo soo jeediyey inaysan arimahan indhaha ka qarsan.
2) Si muwaadin kasta oo reer S/land ahi u helo cadaalad iyo maamul uu ku qanacsan yahay waa in Xisbiga Waddani ka shaqeeyaa siduu maamulka wadanka u hanan lahaa, si taas loo gaadhana waa in Xubnaha iyo Taageerayaasha Xisbigu la yimaadaan Hawl-karnimo, Firfircooni iyo Deeqsinimo.
3) Taageerida iyo ka soo qaybgalka Dooda Qaran ee Axsaabta Mucaaradku ku baaqeen.
4) Taageerida iyo ka qaybqaadashada horumarka wadanka.
5) In xukuumadu aysan wax dibudhac ah ku samaynin Qabsoomida Doorashooyinka oo ay xiligooda ku dhacaan.
6) Xisbigu waxay Xubnaha Golaha Baarlamaanka S/land u soo jeediyeen, inay daacad ugu shaqeeyaan shacabkii doortay, ka fogaadaan waxii iskuduubnimadooda iyo sharaftooda wax-yeelaya. Ilaaliyaana Shuruucda Dalka iyo Dadka; kana hortagaan waxkasta oo wax-yeelaya wadanka sida ku-takrifalka Awoodaha iyo ku-takrifalka dhaqaalaha iyo Khayraadka Wadanka.

11

Shirweynahan oo ay sidoo kale ka hadleen Wakiilada Laamaha UK, Garabka Haweenka, Garabka Dhalinyarada Uk iyo Xubno badan oo kale, ayaa waxaa lagu ansixiyey Xubnihii Gudiga Sare ee UK, iyagoo lagula dardaarmay inay la yimaadaan waxqabad la taaban karo.

16
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani UK, Mudane Ahmed Ali Nahi oo Shirweynahan soo xidhay ayaa u mahadceliyey Gudiga Gaws-Dambeedka UK, kuwaas oo ka soo shaqeeyey Abuurista Gudigan UK iyo Dhisida Laamo badan oo UK ahba. Shirweynahan ayaa Bilad sharafeed lagu gudoonsiiyey Laamihii la yimid firfircoonida dheeraadka ah, kuwaas oo ay ku guulaysteen Laamaha Bristol iyo Shefield.

13

Qarannews

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles