Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Reer Xamarku maxay ka qoreen Saacid, tolow miyey ku wiirsanayaan. ( daawo Video-yada ay la daba socdaan.)

$
0
0

SaacidMuddo bil ka badan ayay madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ku qaadatay in uu soo magacaabay ra’isulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon, markii uu magacaabay ee uu horkeeney baarlamaanka wuxuu madaxweynaha yiri “Waxaan idiin keeney nin aan anigana isugu roonaaday, idinkana idiinku roonaaday”.
Sanad kadib waxa muuqata in Ra’isulwasaare Saacid uu noqdey nin u daran madaxweynaha, sidaasi ku muteystey in uu xilka ku waayo.

Oraahdii ahayd “nin aan idinkana idiinku roonaaday” ayaa laga yaabaa in ay wax badan ka jiraan, islamarkaasina waxqabadkiisa ay ka muuqatay, balse aysan wax kasoo qaad badan lahayn.
Tan iyo markii la magacaabay Saacid waxa uu soo maray marxalado baddan, waxa ay saxaafadda aad u faaqidey amuuraha qoyskiisa, shaqsiyadiisa, dabeecadihiisa iyo awoodiisa

Waxaa laga hadlay xaaskiisa Caasho Xaaji Cilmi iyo kaalinta ay ku leedahay xilkiisa, iyada oo loo tiriyey in ay iyada ka dambeysey mas’uuliyadda loo dhiibey.
Waxaa laga hadlay shaqsiyadiisa, gaar ahaan balwadiisa waxaana la sheegey in uu qayilo, islamarkaasina uu yahay nin iska hurda, waxaana laga soo sawirey kaartuuno muujinaya isaga oo quurinaya kuwaasi oo fadhi-ku-diriryada u sameeyey wax ay ku madadaashaan.
Wuxuu ahaa Ra’isulwasaare aanan socod iyo safar badeyn, Ra’isulwasaare afgaaban oo aan saxaafadda soo taagneyn had iyo goor, iyada oo xitaa markii uu madaxweynaha ka codsaday in uu is casilo, Saacid wuxuu ahaa nin afkiisa aanan wax hadal ah laga maqlin.


Waxyaabaha sida weyn loogu xusuusto waxaa ka mid ah in kaalintiisii dowladda ay u muuqatay in loo igmaday ku xigeenkiisa Fowsiyo Xaaji Aadan, isagana arrintaasi indhaha ka eeganayay.
Dadka qaarkood waxay ku doodayeen in uu koontarool yar ku lahaa wasaaradaha qaarkood, kuwaasi oo si toos ah madaxweynaha oga amar qaadanayay, marar badana qabanayay hawlo uusan xitaa la soconin Saacid ama uu saxaafadda ka ogaado.
Si kasta oo ay taariikhdiisa tahayba, hadda Cabdi Faarax mudada uu xilka sii heynayaa waa bil kale oo kaliya inta laga soo xulayo Ra’isulwasaare uu xilka ku wareejiyo, maanta ayaana cod aqlabiyad ah baarlamaanka kalsoonida ogala noqdey.
Wixii hadda ka dambeeyana waxa uu noqon doonaa nin “Ilmihiisa u ciirta” sida ay Soomaalida tiraahdo, waxaadna filimka ka arki kartaan sida uu qoyskiisa u jecelyahay, una daryeelo, isaga oo xitaa gaariga ku kaxeeya.
Marka uu guriga ka maqanyahay, Saacid waxa uu ka shaqeeyaa ganacsigiisa.

Xog-Maal


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles