Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Doorashada lagu kala bixi doono tartanka beelaysan, ayaa Madaxweyne Faroole ka waashay dar darta ay musharrixiinta qaar fagaaraha la yimaaddeen iyo shacbiyadda ay wataan.

$
0
0

farooleAwdapress – Boosaaso – Madaxweynaha xiligiisu sii dhammaanayo ee Puntland Mudane C/raxmaan Faroole ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo wadahadalo uu la furayo musharraxinta kula tartameysa doorashada hoggaanka maamulka ee dhaceysa bisha soo socota.

Usbuucan markii uu ka soo laabtay dalka Ismaamulka Somalida Itoobiya xafladdii lagu qabtay ayaa mar uu la hadlayey shacab iyo saxaafaddaba waxa uu si qaawan hadallo ugula dul dhacay musharraxa laga cabsi qabo in uu ka guulaysto ee Dr. Abdiweli Gaas. Laakiin maanta waa is beddelay, waxana uu la yimid xeelad cusub oo uu ku sheegayo in uu wada hadal la furayo musharrixiinta.

Faroole ayaa sheegay in haddii la wadahadlo uu iman karo isfaham laga gaaro arrimaha ku saabsan doorashada ee muranku ka taagan yahay.

“Si kalsooni ku jirto ayaan u soo dhaweynayaa inaan wadahadalno aniga iyo musharaxiinta doorashada igula tartameysa, waana qorshe aad u wanaagsan waxaana xaqiijinayaa inaan raali ka ahay inaan wada-hadallno, waxaanse ka dalbanayaa inuu kulanku ka dhaco xarunta madaxtooyada Puntland,” ayuu yiri Faroole.

musharaxiinta ayaa horey u dalbaday iney kulan la yeeshaan madaxweyne Faroole si ay uga wada hadlaan arrimaha doorashooyinka.

Arintan ayaa ku soo aadeysa xili khilaaf xooggani uu ka dhexeeyo Faroole iyo musharaxiinta kula tartameysav doorashada hoggaanka Puntland, waxaana muranka ugu weyn uun ka taagan yahay guddiyada xallinta khilaafaadka ee dhowaan Faroole nuu magacaabay kaasoo ay diideen musharaxiinta kale.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles