Awdalpress – Muqdisho – Madaxweynaha Somalia Hassan Sheikh Mahamoud ayaa lagu wadaa goor dhow oo galabta ah inuu ku dhowaaqo raisul wasaaraha cusub ee xukuumaddiisa Somalida Koonfureed.
Warbaahinta magaalada Muqdisho qeybaheeda kala duwan oo looga yeeray xarunta madaxtooyada ayaa halkaas ku qulqulaya si ay uga qeyb galaan shirka jaraaid ee RW looga dhawaaqayo.
Waxa la sheegayaa in nin uu dhalay qaaddigii magaalada Garba-Haarray, oo la yidhaa Abdiweli Sheikh Ahmed ay hadal hayntu ku badan tahay. Ninkaasi oo ka baxay jaamacaddii dhaqaalaha ee Muqdisho. Una shaqayn jiray mashruucii naaxinta xoolaha ee xafiiskeedu ku yaallay sartii Somalita.
Nimanka iyo dumarka reer Woqooyiga ah ee ku silcaya Muqdisho niyad jabkana ka qaaday quudhsiga reer Xamarka, ayaan wax rajo ah ka qabin, in nin reer woqooyi ah laga dhigo ra’iisal wasaare. Taasina waxa ay markhaati u tahay in dalka Somaliya oo ka koobnaa laba dal oo midoobay uu immiga kala go’an yahay. Beesha caalamkuna ay ka fekerayso in la aqoonsado Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee, waxa la sugayaa qoslaaye cidda uu u magacaabo, dawladdiisan gacan ku rimiska ah ee aan dhaafsanayn Muqdisho oo qaybo ah.
Awdalpress.com