Awdalpress(Hargaysa) 15 Dec, 13–– Gudoomiye ku xigeenka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa si adag u cabaareeyay Go’aanka Xukumaddu kula wareegtay
Xarunta Wargeyska Hubaal oo doraad Ciidanka Boolisku kula wareegeen xurnta, isla markaana ay xabsiga u taxaabeen la ka mid ah hawlwadeenada Wargeyskaasi.
Gudoomiye xigeenka Ururka Suxufiyiinta Somaliland Maxamed Cabdi Curad ayaa sheegay inaanay Saxaafadda madaxa banaan ee Somaliland haysan Nabad galyo ku filan xilgan, isla markaana ay hay’addaha Warbaahintu iska difaacaan.
“Waxaanu Aad iyo aad u cambaaraynaynaa Falka Ciidanka Boolisku kula wareegeen Xarunta wargeyska Hubaal ilaa haddana ku haystaan. Waxaanu Bulshada u sheegaynaa oo Ra’yi caamka iyo Hay’addaha xuquuqal Iisaanka iyo kuwa madaxa baananba u sheegaynaa inaanay Saxaafadda madaxa banaan ee Somaliland haysan Nabad galyo, oo aanay haysan xoriyad iyo amni ku filan. Waxa taas daliil u ah dhacdada Hubaal daba socoto, iyadoo aad moodo in garsoorkii noqday hay’addo lagu kala aar-goosto.
Hubaal Bishii April ayaa la weeraray, dadkii weeraray oo mid kood la qabtay ciidanka ayaa lagu wareejiyay waana la sii daayay iyadoon garsoor iyo caddaalad la marin, halka dhibanihii cabanayay loo raaciyay in xaruntiisii la xayiro.”
Maxamed Cabdi Curad oo hadalkiisa sii wataa wuxuu Xayiraada Hubaal ku tilmaamay fal faro galin Xoriyatul qawlka ka dhan ah, waxaanu yidhi “Waxaanu Falkaa u aragnaa mid Xoriyatul qawlka lagu fara galinayo, waxaanu u aragnaa fal Anshax daro ah oo Amni burburin ah. Waxaanu caddaynaynaa in maanta laga bilaabo aanay Saxaafaddu haysan Amaan sugan iyo Xoriyatul Qawl. Haddii ay sii socoto in dhibane cabanaya tacadi loogu daro waxay kalifaysaa in Hay’addaha warbaahinta iyo suxufiyiintu isdifaacaan oo ay Gabood samaystaan, Annagay nagu khasbadan tahay, iyagay ku khasban tahay haddaan Xukumaddu si degdeg ah uga qaadin Talaabo” ayuu yidhi Maxamed Cabdi Curad
Sidoo kale Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamed-rashiid Muxumed Faarax ayaa isna sheegay inaanay Xukumaddihii Somaliland soo maray mar kaliya dhicin in Dacwad aan la qaadin Xeer Ilaalin iyo maxakamaddi u soo qorto Xayiraad.
“Madaxweyne Dimuqraadiyaddii iyo Xoriyatul Qawlkii Somaliland gurigaagaad ku Aastay. 21-kaa sano Xukumaddihii Cabdiraxmaan Tuur, tii Marxuum Cigaal iyo tii Daahir Rayaale may dhicin Dacwad aan la qaadin oo Maxakamad iyo Xeer ilaalini Xayiraad u soo qorto. Meesha la isku haysto ayaa Xayiraada loo qoraa. Waxay ahayd in Boolisku haddii ay wargeyska Hubaal ka cabanayaan Maxakamad u furtaan oo markay dambe ku hesho Xayiraad saarto. Waxaanu leenahay Madaxweyne waxaad ku dhaqan taa Dastuurka aan Madaxweynaha ku tahay. Waxaad ixtiraamtaa qodobka 32-aad ee Xoriyadda Hadalka.” Ayuu yidhi Maxamed-rashiid
Xoghayaha Solja waxa uu intaasi raaciyay in Madaxweyne Silaanyo markii uu Xukunka qabtay isku dayay inuu Baabiiyo, Xisbiyada Mucaaradka ah, Saxaafadda iyo Golaha wakiilada. Kuwaasi oo qaarkood u suurto galeen inuu baabi’iyo.
Hadalka Solja ayaa ka dambeeyay ka dib Markii Ciidanka Booliska Somaliland markii labaad la wareegeen Xarunta wargeyska Hubaal Shalay galab-nimadii. Taliyaha Booliska Somaliland ayaa hore ugu Eedeeyay Wargeyska Hubaal inuu warar been Abuur ah ka sameeyay Masuuliyiinta Booliska.