Awdalpress(Marka) 15 Dec, 13–Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa ka codsaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo AMISOM inay si dhaqsi ah u farogeliyaan dagaal-beeleedka ka socda gobolka.
Siidii ayaa sheegay in dagaalka uu wax u dhimay xasilloonida gobolka, isagoo xusay inuu fursad u noqon karo maleeshiyada al-Shabaab oo ku sugan deegaanno ka tirsan gobolka.
Wuxuu sheegay in dagaal saaka ka billowday deegaanka Busley oo ka tirsan Jannaale uu iskiis u istaagay galabta, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay, sida uu tilmaamay.
Siddeed qof ayaa ku dhimatay dagaal dhinacyadii maanta dagaallamay shalay ku dhexmaray isla gobolka.
RBK