Awdalpress(Muqdisho) 15 Dec, 13–Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta isla gartay in Cabdiwali Sheekh Axmed oo uu dhowaan madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay ra’iisul wasaaraha dalka uu golaha horyimaado maalinta Arbacada ah ee soo socota.
Kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen guddoomiyeyaasha guddiga joogtada ah ee baarlamaanka ayaa Cabdiwali Sheekh u soo jeediyay inuu kalsooni weydiisto xildhibaannada.
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kulanka kaddib sheegay in baarlammaanka uu ka codsanayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in 18-ka bisha uu ra’iisul wasaaraha hor keeno baarlamaanka, si loogu qaado codka kalsoonida.
Jawaari ayaa ku ammaanay madaxweynaha sida dhakhsaha leh ee uu uga jawaabay codsigii baarlammaanka ee ahaa inuu soo dedejiyo magacaabista ra’iisul wasaaraha, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey sida ay u muujiyeen kalsoonida ay u hayaan baarlamaankooda.
Dhinaca kale, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ka codsaday xildhibaannada baarlamaanka meel kasta oo ay joogaan inay soo xaadiraan, si ay u gutaan waajibaadka dastuuriga ah ee saaran.




