Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Qaraxyadii Mogadhisho oo soo cusboonaaday iyo Xaafadda Daynile oo saaka lagu waabariistay Qarax hor leh.

$
0
0

qarax hor lehAwdalpress – Mogadisho – Qarax loo adeegsaday miino la aasay aya goor dhow ka dhacay afaafka hore ee maqaayad ku taala xaafada Siisii oo ka tirsan degmada dayniile ee gobolka Banaadir.

Maqaayada la qarxiyey ayaa waxaa ku sugnaa dad fara badan oo isugu jiray ciidamo ka tirsan dowlada iyo shacab, waxaana ka dhashay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan shan ruux oo isugu jira Ciidan iyo Shacab ah ayaa ku dhintay qaraxaas halka in ka badan 10 kale oo dhaawac ah isbitaalada loola cararay, waxaana jira warar khasaaraha intaas kla badinaya.

Ciidamada dowlada ayaa goobtaas gaaray iskuna gedaamay iyadoo xaalada goobtaas ay tahay mid aad cakiran wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco boggan insha allaah.

DN

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles