Awdalpress – Garowe – Golaha Wakiillada Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa gaweyd doortay Madaxweyne kuxigeenka Maamul Goboleeka Soomaaliyeed ee Puntiland kadib doorasho adag oo ka dhacday Hoolka Xarunta Golaha Wakiilada.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland waxa u tartamayey illaa 10-musharax iyadoona Wareegii hore ay ku hareen ilaa 7-Musaharax halka wareega labaad ay isugusoo hareen ilaa Sadax Musharax waxaana wareega ugu dambeeyay isugu soo haray labo Musharax oo ugu dambeyn kala baxay.
C/Xakiin C/laahi Xaaji Cumar Cameey ayaa ku guuleestay Doorashada Madaxweyne kuxigeenka Maamul Gobleedka Puntiland kadib markii uu helay codad gaaraya ilaa 48-cod halka Musharaxa la tartamayay ee C/laahi Cali Xirsi “Tima Cadde” uu isna helay ilaa 16-cod.
Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar oo reer Buuhoodle u dhashay ayaa ah nin qurbaha ka yimid, gaar ahaan dalka Maraykanka, waxaana doorashadiisu ka dhigeysaa mid Puntland weji cusub ku soo kordhisa, isla markaana uu jaal la noqonaya Madaxweynaha Cusub ee Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas oo isaguna ah musharax ka yimid dalka Maraykanka.
Guud ahaan waxaa si nabad iyo deganaansho ah ku soo dhammaatey doorashadii subaxnimadii hore ee maanta oo arbaca ah ka bilaamey caasimadda Puntland, waxaana magaalooyinka Puntland ka socda xaflado iyo dabaaldeg lagu soo dhaweynaayo isbeddelka cusub ee Puntland ka dhacay, taas oo saameysey dhammaan saddexda kursi ee dalka u sareeya.
Awdalpress.com





