Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Muddaharaad iyo rabshado ka dhashay Natiijadii doorashadii Puntland oo taageerayaasha Faroole isugu soo bexeen Magaalada Garowe iyo dhibaatooyin dhimasho iyo dhaawac wataa ay ka dhasheen.

$
0
0

breakingAwdalpress – Garowe – Waxaa goordhaweyd dibad-baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe ee Caasimada maamulka Puntiland, waxana la soo sheegayaa in Dibad-baxyadaase ka ay keeneen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac.

Dad cadhaysan oo lagu tilmaamay in ay taageerayaal u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka.

Dibad-baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay ka socoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha.

Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images