Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Dr. Abdirahman Ducale Beyle una dhashay gobolka Awdal oo ka midnoqonaya wasiirrada dawladda Muqdisho.

$
0
0

breaking-news2Awdalpress – Muqdisho – War naga soo gaadhay ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Dr. Abdirahman Beyle oo ka mid ah directors-ka African Bank oo xafiiskiisu yahay Tunis uu ka mid noqonayo wasiirrada dawladda Abdiweli Sheekh Ahmed.

Dr. Beyle ayaa ah khabiir dhinaca dhaqaalaha ku sita shahaadadda PhD, waxana uu waxbarashadiisa sare ku dhammaystay Jaamacadda Maibson University ee dalka Maraykanka. Muddo ka badan 20 sanana waxa uu ka shaqeeyaa African Banka oo maalgeliya dalalka Afrika. Waxanu ka yahay madaxda sare ee hay’addaasi caalamiga ah.

Mansabkan wasiirnimada ah oo weliba la filayo in uu noqdo wasiirka maaliyadda amma qorshaynta ayaa waxa kula tartamaya rag badan oo uu ka mid yahay Jamac Oday oo ka mid ahaa golaha wasiirada Somaliland.

Wixii war ah ee ka soo kordha dib ayaan idinkala soo socodsiin doonnaa

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles