Awdalpress – Muqdisho – Xildhibanano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa gudbiyay mooshin looga soo hor-jeedo in xukuumadda cusub lagu soo celiyo xubno ka tirsanaa wasiirradii xukuumaddii hore ee kalsoonida baarlamaanka waysay.
Xildhibaannada ayaa ka dooday mooshinka, waxaana ka hadlay fadhigii maanta 50 mudane oo aragtiyo kala duwan ka bixiyay, iyadoo ay jiraan xildhibaanno ka soo hor-jeestay mooshinka.
Xildhibaan Cali Khaliif Galleyr oo ka hadlay mooshinka ayaa sheegay in wasiirradii xukuumaddii hore ee kalsoonida lagala noqday ay waajibaadkoodii gudan waayeen.
Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay inay ka soo horjeeddo mooshinka, isla markaana uusan cuskaneyn qoddob dastuuri ah iyo xeer hoosaadka baarlamaanka.
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo gabo gabadii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in maanta aan mooshinka cod loo qaadi doonin, maadaama uusan kooramka dhammeyn, isagoo ku dhowaaqay in cod loo qaadi doono maalinta Talaadada.
Bar kulan