Awdalpress(Muqdisho) 12 Jan, 14–Ku dhowaad 50 jidgooyo oo gaadiidka lacago baad ah looga qaadi jiray ayaa maanta laga qaaday waddoyinka isku xira gobollada Banaadir, Shabeelaha Hoose iyo Baay.
Howgalladda lagu qaaday jidgooyooyinka oo ay iska kaashadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa lagu banneeyay waddada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose oo gawaarida baad looga qaadi-jiray.
Sidoo kale, gooobaha isbaarooyinka laga qaaday waxaa ka mid ah Mukayga, Baar-Ismaaciil, Boodboodka oo u dhexeeya Muqdisho iyo degmada Afgooye, waddada isku xirta Afgooye iyo Marka iyo waddada isku xirta degmada Buurhakaba iyo Afgooye.
Wariyaha Bar-kulan ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa soo sheegaya in sidoo kale la qaaday toddobo isbaaro oo maleeshiyo beeleed u taallay waddada isku xirta degmada Afgooye iyo deegaanka Jannaale.
Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa sheegay in dowladdu ay ku dedaashay sidii wax looga qaban lahaa isbaarooyinka dhibaatooyinka loogu geysan jiray dadka safarka ah.
Qaar ka mid ah waxgaradka iyo dadweynaha ku dhaqan goboka Shabeelaha Hoose ayaa soo dhoweeyay qaadista isbaarooyinka oo ay dhibaato ku qabeen dadka iyo gadiidka.