Wararka maanta iyo Istanbuul aan ku hor marnee, waxa ka furmay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga wahadalladii u dhexeeyay dowladdaha Somaliland iyo Somaliya kuwaasoo socon doona labada maalmood ee soo socota. Intii aanay dalka Turkiga gaadhinna waxa ay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Mr Yonis iyo wasiirrada la socdaa ay ku sii Alamiinteeyeen magaalada Addis Ababa, oo sida la sheegay ay ku qaadanayeen Siminaar ku saabsan sida habka dawladnimo ee caalamiga ah waafaqsan ee ay u wajihi lahaayeen kulanka ay la galayaan Somaliya.
Dadka qaarna waxa ay leeyihiin waxa la kala doorran siinayey haddii ay Fadaraal qaadanayaan, faa’iidada ugu jirta iyo haddii ay ku adkaysanayaan gooni isku taagga dariiqa dheer ee ka horreeya, iyo faa’iido amma khasaare waxa ugu jira. Laakiin sida uu saxaafadda u sheegay Wasiir Biixi ayaa ah in aanay gooni isu taag mooyaane aanay arrin kale anfacayn, halka wasiirka Daakhiliga ee Somaliya uga qayb galay shirkaasina uu sheegay in hawsha ay u socdaan tahay uun sidii midnimo Somaliyeed loo gaadhi lahaa.
Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis ayaa Sheegay inay Xukuumad ahaan Mar Walba soo dhawaynayaan Amboqaadka Wada Hadalada Waxaanu Sheegay oo uu dhalliilay in aanay Waxba ka Hirgalin Qodobadii hore loogu Heshiiyay ee labada Ergo isla meel dhigeen kulannadii hore, taas oo wasiirku hirgelin la’aanteeda ku eedeeyey dawladda soomaaliya.
Qaybtii hore ee wadahadalada maanta ayaa la isla oggolaaday in la saaro guddi labada dhinac ka kooban oo diyaarinaysay ajandayaasha wadahadaladan lagu gorfayn doono.
Sida la ogyahay wadahadalada labada wadan u dhexeeyey ee ay martigelinayeen beesha caalamku ayaa afar jeer oo hore la isugu yimid, iyadoo badhtamihii sanadkii tegay wadahadalo ka dhacay dalka turkiga oo ay ka qayb galeen Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somalia lagu kala saxiixday heshiis sided qodob ahaa.
Intii aanay shirka wada gelin labada wafdi ayaa ilo xog ogaal ahi sheegayaan in ay aad u kaftameen, kana sheekaysteen wasiirrada dawladda ee ku dhawaaqiddeedda caawa loo ballansan yahay. Taasi oo ay ka mid noqon doonaan siyaasiyiin ka soo jeedda Somaliland laakiin aamminsan Somaliweyn. Xilka ugu weyn ee ay siyaasiyiintaasi Koonfurta Somalia ka heli karaanna ay tahay ku-xigeenka ra’iisal wasaaraha.
Xukuumadda Somaliland ayaa in badan ku celcelisay in wadahadaladan ay uga qayb gelayso sidii ay ula garnaqsan lahayd beesha caalamka isla markaana uga heli lahayd aqoonsi buuxa.
Dhinaca kale waxa magaalada Hargeysa iyo Somalilandba aad looga hadal hayaa khilaafka ka dhex jira xisbiga Kulmiye, kaasi oo marar badan soo noq noqday. Dhawaanna waxa uu Madaxweyne Ahmed Siilaanyo carrabka ku dhuftay, arrin muddaba laga meer meerayey oo ahayd in uu isa soo sharrixi doono shanta sano ee soo socota, taasi oo dhirbaaxo ku ah guddoomiyaha xisbiga Muuse Biixi oo isagu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu hankiisa siyaasadeed u dhammays tiri lahaa. Waxana uu muddooyin badan muujiyey samir iyo adkaysi. Sidoo kale waxa hankiisaasi xataa ku kallifay in uu Madaxweyne Siilaanyo ku tilmaamo Mandeellaha Somaliya. Laakiin siyaasiyiinta maddaalayaasha ah ee reer Bari ayaan marnaba ka seexan sidii ay uga takhalusi lahaayeen Muse, iyaga oo qorshayaasha ka hagaya daaha dabadiisa.
Waxana immiga sida la sheegayo hoggaanka mooshinkaa dhabarka u ritay wasiirka arrimaha dibadda Mudane Mohamed Bihi Yonis oo ah siyaasi qunyar socod ah, isla markaana aqoon sare u leh maamul hufan. Balse lagu dhallliilayo in aanu aqoon badan u lahayn dhaqanka qabiil ee ragaadiyey shacabka Somaliland.
Isku soo wada duuboo, waxa la arki doonaa halka ay siyaasadda Kulmiye biyo dhigato.
Awdalpress.com