Awdalpress – Muqdisho – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa iclaamiyey in aanu doonayn inuu qabto xilka loo magacaabay ee ah wasiir ku xigeenka wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga ee xukuumadda Abdiweli ee Soomaaliya.
Mudane Tarsan mar kaliya isku arkay liiska 25-wasiir ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed, liiskaa oo xalay gellinkii dambe soo lagaga dhawaaqay Madaxtooyada Somaliya, wuxuuna Tarsan sheegay inaan lagala tashan xilka wasiir ku xigeenka ah ee loo magacaabay.
“Xilka la ii magacaabay ma ahan mid la igala tashaday, ra’iisul wasaaruhuna iguma soo qaadin intii aan is-arkaynay, marka diyaar uma ihi inaan xilligan ka mid noqdo golaha wasiirrada,” ayuu Tarsan ku yiri shirkiisa jaraa’id.
Duqa Muqdisho ayaa muddo dheer soo ahaa guddoomiyaha iyo duqa magaalada Muqdisho, waxana uu illaa iyo xilligaa muujiyey dadaal aad u badan, isaga oo dadaalladiisa iyo wax qabadkiisa laga dareemayo guud ahaanba magaalada. War saxaafadeedkiisanna waxa uu uga maahdceliyay madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iiisul wasaarihiisa xilka ay u garteen ee ay u magacaabeen, iyada oo xilka loo magacaabay xilli uu hayo jagada guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho. Taasi oo dadka qaar u qaadanayaan in laga riixayo xilka guddoomiyenimada gobolka Banaadir ee uu immiga hayo.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa noqonaya mas’uulkii ugu horreeyay oo ka tirsan golaha wasiirrada cusub ee Soomaaliya oo sheegay inuusan diyaar u ahayn inuu qabto xilka wasiirnimo ee loo magacaabay.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa xalay gellinkii dambe soo magacaabay golaha wasiirrada, kaddib watashiyo muddo saacado ah qaatay.
Golaha wasiirrada cusub ayaa waxay ka kooban yihiin 55-wasiir oo isugu jira 25-wasiir, 25-wasiir ku xigeen iyo shan wasiir u dowle, kuwaasoo qaarkood ka tirsanaa xukuumaddii hore ee saacid, kuwo siyaasadda ku cusub iyo kuwo la soo shaqeeyay dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray.
Awdalpress.com