Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Gudoomiyaha degmada Baki oo si adag u beeniyay in shirkado Ajnabi ah Macdan ka gurtaan degmada iyo deegaanka dad aan u dhalan shirkadaha keeneen

$
0
0

Awdalpress(Baki) 20 Jan, 14– Gudoomiyaha degmada baki Maxamed Aw Axmed Caateeye oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay shabakada wararka ee Awdalpress ayaa u sheegay inaanay jirin warar dhawaanahan lagu qorayay Shabakadaha Internetka ee Awdal qaarkood, wararkaasi oo lagu sheegayay in shirkado Ajaanib ahi ay macdan ka gurtaan degmada Baki, isla markaana ay shirkadaha wataan dad aan u dhalan degmada, Wararka noocaas ah ee laga faafinayo degmada Baki waxaan u arkaa ka gudomiye ahaan iyo gole deegaan ahaanba aniga oo ku hadlaya magacoocada in wararkaasi yihiin qaar sumcad dil ah, isla markaana bulshada dibada lagu khalkhal gelinayo, loona tusayo in hantidii umaddu lahayd shirkado guranayaan.

Gudoomiyaha wuxuu ku dheeraaday in dadka wararka beenta ah ka fidinaya degmada baki ay dabagal ku samayn doonaan, ha noqdaan kuwo gudaha jooga amase kuwo qurbaha jooga oo u adeegsanaya dacaayado riqiis ah oo ay kaga soo horjeedaan shaqsiyaad amase dad gaar ah, waxaan u aragnaa in dadka dacaayaadkaasi fidinayaa ay yihiin kuwo ay ku muuqato amase cadaystay cadaawada ay u qabaan dadka dega degmada Baki, waxaanan u cadaynayaa dhamaan dadka jecel horumarkayaga iyo geedi socodka dhismaha kaabayaasha bulshada ee degmada in wararkaasi yihiin qaar ku lid ah degmadayada, lagagana soo horjeedo waxqabadka muuqda iyo horumarka ka socda degmada Baki.

Gudoomiyuhu isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi ” Arinta Macdanta ee laga dhigtay mashruuca hadii aan dul istaago, degmada waxay leedahay macdan faro badan, cid ka faaiidaysanaysa oo u dhalatay degmada Baki iyo gobolka Awdal oo laga hor istaagi karaa ma jirto, mar walabana waxaa muhiimada leh dadka deegaanka, gaar ahaan kuwa degen jiidaha macdantu ku jirto, hore waxaan warbaahinta uga sheegay in ay jiraan shirkado macdanta ah oo degmada macdan ka qota, shirkadahaasi waa kuwo ay leeyihiin dadka deegaanku, waxay wax ka iibiyaan Shiine iyo cid kasta oo u baahan macdan oo sita lacag, wax walbana wxaan waafajinaa sharciga u yaal Somaliland iyo ka degmada, dadka deegaanka oo dhib badan ku hayay dhirta, ayaa iyagu u jeestay inay qotaan macdanta oo ay la soo baxaan, kagana maarmay kagana maarmi doona xaalufkii ay ku hayeen jarista dhirta.

Waxa jiray deegaano badan oo ka tirsan degmooyinka Lughaya,Saylac iyo Boorama oo shirkado ay ka bilaabeen qodista macdanta mudo dheerna ay ka jirtay marna ma aanaan maqal cid wax ka sheegaysa, guud ahaan dhulka Somaliland iyo gobolada kale waa sidaas si la mid ah, hadaba waxaan isweydiinaynaa maxaa keenay in warar aan jirin laga fidiyo degmadayada Baki, waxaan leeyahay bulshada Qurbaha siiba kuwa u dhashay degmada dadka waraysta dhulka jooga Anaga na warsada, iskana hubiya meelaha khaldan ee wararka been Abuurka ah aad ka soo xiganaysaan.

Gudoomiye Maxamed Aw Axmed Wuxuu intaas Raaciyay in ay dhamaystireen oo gabogabo ay ku dhaw yihiin jidkii iskuxidhayay Ruqi iyo Dilla oo Baabuurtu dhawaan si fiican u mari doonto, maantana ay noo yimaadeen wefti ka socday FOA oo uu horkacayay wasiirka Beeruhu Faarax Cilmi ayna soo mareen jidkaas, isla wadadaasna ay dib uga laabteen markii aan ku casuunay Ruqi, waxaanay noo balan qaadeen in qalab amase Cagaf kaga shaqayn doonaan qaybaha adag ee jidkaasi ee waxqabadka u baahan, sidoo kale waxa iyaduna gabagbo ku dhaw Jidkii Xeegu iyo Boorama isku xidhayay, wadadaasna waxaa naga caawiya isla Hay’adda FOA, taas oo wasiirka Beeruhu iyadana manta noo sheegay inay dhamayn doonaan, qorshayaashaasi oo dhan hore ayaan u gudbinay codsigooda waana lanaga aqbalay, jidad kale oo aan bilawnayna way jiraaan, hadaba waxaan u baahanahay dad wax nala qabta ee uma baahnin dad dibadaha naga dacaayadeeya, cidii degmada Maalgashi ku samaynaysana waan soo dhaweynaynaa. ayuu yidhi Gudoomiyaha degmada Baki ee G/Awdal Maxamed Aw Axmed Caateeye.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles