Koonfurta Somalia waxa ku nool dad aad u tiro badan, oo isaga kala yimid gobollada dalka Somalia iyo Somaliland, iyo weliba degaanno ka mid ah dawladaha dariska ah. Laakiin dadka aan aqoonta u lahayn in bulshada Muqdisha isku jir tahay, ayaa had iyo jeer mooda in magaaladaa ay beel ama qabiil kali ahi deggen yihiin ama iska leeyihiin.
Haddaba waxa aan idin tusi doonnaa Video xambaarsan waraysi uu bixinayo nin isagu aan u dhalan degaannada koonfurta, hase yeeshee ku dhashay kuna barbaaray, waxana waraysigan lagu soo qaatay barnaamij aalaaba ka baxa TVga Somalichannel ee afka Somaliga ku hadla, waxana barnaamijkaa la yidhaa XULASHADA TODOBAADKA. Kaasi oo aan idin daawadsiin doonno ayaa waxa lagu waraysanayaa siyaasiga la yidhaa Xasan Axmad Xasan oo ku magac dheer Daawuus. Oo ku nool amma deggen dalka Britain. Waxanu ka hadlayaa siyaasadda Somaliweyn iyo dawladda Somaliya ee Muqdisha oo uu isagu xiiso badan u qabo. Maaddaama uu Muqdisho ku dhashay kuna barbaaray, balse aanu waxba ka garanayn ama kala socon degaankii uu asal ahaan u dhashay ee Awdal ama Somaliland.
Barnaamijkiina waa kan ee nala daawada:
Awdalpress.com