Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Mudane Abdiweli Gaas ayaa maanta oo bisha January tahay 28 sannadka 2013ka, ku dhawaaqay qaar ka mid noqon doona gobolihiisa wasiirrada cusub. Deeq Suleymaan Yusuf oo ah Agaasimaha Madaxtooyada, ayaa shir-jaraa’id ku qabtay magaala madaxda Puntland ee Garawe, waxana uu akhriyey liiska xukuumadda cusub.
Awdalpress – Garawe – Golaha Wasiirrada xukuumadda cusub ee Puntland ayaa ka kooban 47 xubnood oo isugu jira wasiirro, wasiir ku-xigeenno iyo wasiiru-dowlayaal, waxana ku jira wasiirro hore iyo siyaasiyiintii ay wada galeen tartanka madaxweynimo.
Liiska magacyada xukuumadda cusub ee la shaaciyey ayaa sidan u qorraa:
Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta.
- Wasiir, Ismaacil Maxamed Warsame.
- wasiirku-xigeen, Maxamed Faarax Aadan.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose.
- Wasiir, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash).
- Wasiir ku-xigeen, C/laahi Xaashi Warsame.
- Wasiiru-dowle, Cali Yuusuf Jaamac.
Wasaaradda Amniga.
- Wasiir, Xasan Cismaan Maxamuud Alloore.
- Wasiir ku-xigeen, C/casiis Maxamed Aadan.
- Wasiiru-dowle, Maxamuud Beeldaaje Faarax.
Wasaaradda Maaliyadda.
- Wasiir, Shire Xaaji Faarax.
- Wasiir ku-xigeen, Axmed Yaasiin Saalax.
Wasaaradda Dastuurka, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda.
- Wasiir, Sahro Siciid Nuur.
- Wasiir ku-xigeen, C/raxmaan Cabdi Ismaaciil.
Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga Ah.
- Wasiir, Cali Axmed Faatax. Awdapress.com