Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Guddomiyaha Baarlamaanka Somaliland oo lagu eedeeyey in uu dambi ka galay dastuurka dalka

$
0
0

breaking-news2Awdalpress – Hargeysa – Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee golaha wakiilada Somaliland Mudane Cali yuusuf Axmed ayaa Guddoomiyaha Golaha wakiilada Cirro ku eedeyey in uu jabiyey Dastuurka iyo xeerarka u yaala golaha.

Waxaanu sheegay in ay ka fikirayaan sidii dacwad ka dhan ah guddoomiyaha ay ugu gudbin lahaayeen Maxkamada Sare.

Cali Yuusuf waxa kale oo uu sheegay in go’aankii shalay xildhibaannada golaha wakiilladu ku ansixiyeen xeer hoos u dhigaya awoodda  labada ku-xigeen, ee ay soo maleegeen xubno dan gaar ah lahaa,  oo uu sheegay in guddoomiyaha golaha xidhiidh hoose la lahaayeen.

Sidaasi waxa uu ku sheegay Shirjaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa Magaalada Hargeysa.

Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee golaha wakiilada Somaliland Md.Cali yuusuf Axmed oo arrintaasi ka hadlay waxa uu yidhi.  “Somaliland 23-kii Sanno ee ay jirtay  waxaaynu ku  dhaqmaynay Dastuurkeena iyo xeerarka aynu dhiganay heer fiicana waynu ku gaadhnay, golaha wakiiladu intii uu jiray wuxuu lahaa shirgudoon dastoorka aynu dhiganay ayaa qeexaya, nasiib darro shalay waxa dhacday shirgudoonkii in la baabiyey oo la yidhi guddomiye kali ah ayaa jira, labada Guddomiye Ku-xigeena shirguddoonka ka mid maaha, distoorka ayaana qeexaya Qodobkiisa 12 aad kaasi oo ah gollaha wakiiladu waxay yeelanayaan Xog-hayn u  madaxbaanan  oo aan ka tirsanayn golaha  oo ah Xog-haya guud, kana kaalmeeya shirguddoonka golaha hawlaha xafiiska dhammaan arrimaha maaliyada, maamulka, waxaanu yeeyahay ku-xigeen, markaasi qodobkaasi waxa uu cadeynayaa in uu jirro shirguddoon tallo wadaagna lagu shaqeeyo.”Ayuu Yidhi Md. Cali Yuusuf Axmed.

 

Waxa kale intaasi ku daray “Shaqaalaha kale ee galaha wax shaqo galinaya Xog-haya guud marka uu ka hello ogolaansho shirguddoonka, marka xog-haya guud wax hawlgalin kara  shirgoonka ama shirdoonka oo gooni gooni ah, marka xeerkii shallay wax la yidhi guddomiyaha iyo xog-haye guud uunbaa jirra marka waxay u ekaatay siddii maamulka ee wasiir iyo agaasime guud ay wasaradaha xukumayaan in laga dhigo shirguddoonkii, arrintaasi shallay lagu kacayna waa nasiib darro ka hor imanaysa dastuurka, wax kale oo golaha la keenay buugaasi weyn oo ka kooban 60 bog, marka sharcigu wuxu yahay marka xeer golaha la horkeeno ee lasoo badiyo in goluhu muddo 24sacadood in ka baddan soo akhristo, marka xeerkaasi lagama doodin duudubana   lagu ansixiyey, taasi waxay cadeynaysaa in golaha ay shallay iskugu yimaadeen in isa soo qanjiidhsatay guddomiyuhuna la ogaa, anaga shallay guddomiyuhu wuxu nagu yidhi dibbaan u dhigayaa waynu ka fiirsanaynaa haddan meeshii wuu soo dhigay, marka aniga iyo guddoomiye ku-xigeenka koowad waanu ka baxnay markanu aragnay sidda ay wax u socdaan ee golihii loo afduubay.”Ayuu yidhi Cali yuusuf.

Waxa kale oo Guddoomiyaha la waydiiyey in Maxkamada ay u gudbindoonan Dacwad ka dhan ah Guddomiyahooda waxaanu yidhi. “Maxkamada in aanu Geyno qodobkan guddoomiyuhu jabiyey waanu ka fikiraynaa.”Ayuu yidhi Guddoomiye Cali Yuusuf.

Awdalpress.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles