Awdalpress – Muqdisho – Ra’iisul wasaare Abdiweli Sheikh ayaa maanta la kulmay qaar ka mid ah madaxda ku shaqada leh hay’aadka amniga magaalada Muqdisho, madaxdii uu la kulmayna waxa ka mid ahaa wasiirka amniga Qaranka, iyo ku-xigeenkiisa, taliyaha booliiska, guddoomiyaha gobolka Banaadir, dhammaan guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka, taliyayaasha saldhigyada iyo saraakiisha nabadsugidda.
Kulankan oo ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ayaa waxaa uu Ra’iisal Wasaare Abdiweli mas’uuliyiintan ka dalbaday in ay war cad ka siiyaan sababta keentay qaraxyadan laba habeenba ka dhacayey qaybo ka mid ah Muqdisho, kaddibna waxa uu madaxdii ka dhegeystay warbixinno ku saabsan falalkii amni-darrada ahaa ee xalay iyo habeen hore ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Wasiirka amniga Qaranka oo ugu horreyntii goobta ka hadlay ayaa hadalkiisii ku bilaabay in xalay illaa maanta ay aad ugu mashquuleen howlwadeenada ammaanku sidii ay jawaab cad uga keeni lahaayeen falalkii dhacday labadii habeen ee la soo dhaafay iyo cidda iska leh mas’uuliyaddaas, maaddaama goobaha ay ka dhaceen ay ku yaallaan saldhigyo iyo xarumo booliis kuwaasoo loo xil-saaray sugidda amniga.
Mudane Abdiweli ayaa hadalkiisa waxa ka mid ahaa “Waan ka xumahay qal-qalka iyo cabsida la geliyay shacabka labadii habeen ee lasoo dhaafay, kooxaha cadowga ah waxay ka faa’iideysanayaan dal-daloollada amniga ee jira, waana in gacan bir ah looga hortagaa oo ay cabsadaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha oo ka dalbaday wasiirka amniga iyo taliyeyaasha ciidamada inay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo dayacda waajibkeeda ka saaran sugidda amniga ee loo idmaday, si aanay mar kale u soo noqon falalkan oo kale.
Kulankan uu ra’iisul wasaare Abdiweli Ahmed la qaatay madaxda amniga u qaabilsan dawladdiisa, ayaa ahaa mid qorshaysan aadna loogu kuur galayey sida maamulka aminga magaaladu u socdo. Ka horna waxa uu si gaar ula sii kulmay taliyaha ciidanka booliska iyo saraakiil kale oo ka qaabilsan amniga magaalada Muqdisho, waxana uu kala hadlay sidii loo daba gal loogu samayn lahaa dambiilayaashii, isla markaana loo sugi lahaa amniga caasimadda loona dar-dargelin lahaa wada-shaqeyn hay’adaha amniga dhex-marta.
Awdalpress.com