Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Banaanbax Rabshado Wata laguna boobay Ganacsato Soomaaliyeed oo ka dhacay Dalka Koonfur Afrika

$
0
0

mudaharaadAwdalpress – Mugadishu – In ka badan 50 Dukaan oo Kuwa Yaryar ah isla markaana ay lahaayeen ajaanib isugu jira Somalia,itoobiyaan iyo Bangaldesh Ayaa lagu boobay Ilaa Afar Tuulo oo Hoos Yimaada Deegaanka Wetbank Oo Qayaas ahaan u jirta 60km Caasimada wadankan k/Afrika Ee Pretoria, ayada Oo sido kale ay ka barakaceen boqolaal ganacsto ah inta aysan soo gaarin rabashadaha goobahooda ganacsiga Kana Rarteen Alaabahooda.

inta Ay Socdeen Rabshadaha Waxaa dhaawac soo gaaray hal ruux oo soomaali ah kaa oo ay rasaas ku dhufteen Rag Hubeysan Oo Kusoo dhax dhuuntay dadka banaan baxyda dhigayay.

Bakaal Xasan Ciro Oo Ka Mid ah Madaxda Jaaliyada Soomaalida ee Deegankaasi Oo La Hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ganacsatada soomaalida laga boobay ilaa 12 dukaan oo ay lahaayeen isla markaana Qaar kale oo Badan laga soo Raray.

24 Saac Ee Lasoo Dhaafay Ayaa deegaano badan oo ka tirsan dalka koofur afrika Ay Ka Dhacayeen Banaan baxyo ay dhigayeen shacab South africaan ah Oo dalbnayay in Loo Hormariyo Loona Dhiso Waxyaabaha Nolosha Aa Saasiga U Ah Sida Goobaha Cafimaadka,Biyaha iyo waliba arimo kale.

Goobta Uu Kadhacay Banaanbaxaan Rabrashadaha isku Badalay Ayaa Lageeyay Ciidamo Police Ah Si Ay Oga Hortagaan Dadka Mudaharaadka Dhigayo.

Todobaadkii Lasoo Dhaafay Ayaa Waxaa Ka Jira Deegaano Dhowr ah oo Hoos Yimaada Magaalooyinka Waa weyn Ee Dalka Koofur afrika Banaan baxyo Wajiyo badan leh Oo Qaar isku Badalay Rabashado Dhiig Badan ay Ku Daateen isla markaana wali ak socda dalka south africa, ayada oo ana la ogeyn xaalka sida uu noqon doono.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles