Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Sir Culus: Dagaal cusub oo ka dhex bilowday Muqdisha iyo Hargeysa. Waa maxay dagaalkaasi?

$
0
0

sir culusAwdalpress – London – Intii muddo ahba waxa magaalada Muqdisho la isla dhex marayey in shacabka Somaliland uu dhibaato weyn ku hayo koonfurta Somalia. Waxana uu guddoomiyaha gobolka Banaadir marar badan ka dhawaajiyey hoggaamiyaha kooxda xag jirka ah ee Godane iyo xubno la socda, oo ka yimid woqooyiga Somalia waa sida hadalka uu u dhigaye,  in ay dhib ku hayaan shacabka  Muqdisho iyo kuwa koonfurta Somalia.

Waxa kale oo dhawaan laga daawaday TVga Universal barnamij loogu magac daray Faaliyaha Qaranka, oo lagu dacaayadaynayo maamulka Somaliland iyo gooni isku taaggeeda. Laakiin waxa aad uga cadhooday maamulka Hargeysa, waxana albaabada loo xidhay xafiiskii TVga Universal. Kaddibn, waxa TVga Universal laga sii daayey barnaamij aad u iftiiminaya siyaasad xumada Somaliland oo loogu magac daray BAL MAXAA KALA HAYSTA SOMALILAND IYO SAXAAFADDA.

Puntland iyo maamulkeeda cusub ayaa iyana ku baaqay, kuna gooddiyaya in ay gobollada bari ( Laascaanood iyo Buuhoodle ) ee Somaliland sheegato ay dhawaan ka xorayn doonaan, waxana uu maaamulka xilligan talada Puntland qabtay u eg yahay mid ka dhabayn kara arrintaasi. Laakiin waxa aan la garanayn in uu dhiig badani ku daadan iyo in kale. Dhinaca Somalilandna waxa maamulkeedu markiiba ay kaga jawaabeen hadallo ad adag.

Arrimahaa iyo kuwo maanta ku cusub saxaafadda, oo dhinaca adeegyada bulshada ah ayaa ka mid ah dagaalka qabow ee ayaamahan ka dhexeeya Somalia iyo Somaliland. Sida ay saxaafahada koonfurtu qoreenna waxa dhawaan ay Al shabaab xidhay adeegyada Internetka iyo Telefoonnada laakiin waxa eeddeeda dusha loo saaray Dahabshiil Group. Bal haddaba qoraalkan hoose akhriya:

Topnews:- Dahabshiil oo ku guuleeysatay inay xirto adeegii Internetka Hormuud Telecom

Topnews:- Dahabshiil oo ku guuleeysatay inay xirto adeegii Internetka Hormuud Telecom

Number of View :1198

Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliya ee Hormuud, Somtel ayaa joojiyey isticmaalka adeega internetka ee Koofurta Soomaaliya, Joojinta adeega internetka ayaa la sheegayaa inay sababtay kadib markii Xarakada Alshabaab amartay inay joojiyaan shirkadahaani adeega internetka oo leymankooda loo isticmaalo.

Kadib amarka kasoo baxay Xarakada Alshabaab ee ah joojinta adeega internetka ayaa shirkada SOMTEL oo ay leedahay shirkada xawaalada Dahabshiil ayay si degdeg ah u fulisay amarka kasoo baxay xarakada Alshabaab. SOMTEL oo tartan xoogan kula jirta shirkada isgaarsiinta Hormood dhowaana ka hawl bilaawday magaalada Muqdisho.

Shirkadda Hormood ayaa ku diidey xarakada Alshabaab in gebi ahaanba ay joojiyaan internetka Koofurta Soomaaliya waxaana ay internetka ka joojiyeen kaliya goobaha ay ka taliso xarakada Alshabaab.

Alshabaab ayaa ku ciqaabay shirkadda Hormood inay amarkooda diideen maadaama Somtel amarkooda qaadatay oo internetka magaalada Muqdisho kaliya oo ay joogaan ay demiyeen. Diiditaanka Hormood ee joojinta adeega internetka oo gebi ahaanba ka joojin waayeen koofurta Soomaaliya ayaa keentay in Alshabaab amraan in la damiyo Isgaarsiinta Hormood ee Jubooyinka.

Dawladda Soomaaliya ayaa wax ka qaban weysay daminta Somtel ee adeega Internetka Muqdisho oo ay dhowaan ka hawl bilaabeen, sidoo kalana dawladda ayaad moodaa iney amniga meelaha ay ka taliso xaqiijin weysay taasoo ay daliil u tahay in habeenadii lasoo dhaafay in Magaalada Muqdisho gudaheeda Hoobiyayaal laga soo tuurayey iyada oo lala beegsanayey bartilmaameedyo dawlada iyo AMISOM.

Adeega Internetka Hormood ayaa maanta hawada ka baxay sababo farsamo yaqaanada shirkadu ku sheegeen cilad farsamo oo lasoo gudboonaatay adeega Internetka, balse dadka qaar ayaa ku micneynaya joojitaanka adeega Internetka ee shirkada isgaarsiinta Magaalada Muqdisho iyo Koofurta Soomaaliya inuu sabab u yahay

1- Dawladda oo aan si buuxda gacanta ugu heyn dhulka ay ka taliso, iyadoo la sheegayo xaafado badan oo magaalada ka mid ah qoraxdu markii ay dhacdo wixii ka danbeeya aan lagu arkin cid ka tirsan dawladda KMG ah, marka laga reebo qaar guryaha ay joogaan dhufeyso ka samaysta.

2- Tartan u dhaxeeya Shirkadaha oo ay isu isticmaalayaan Xarakada Alshabaab, kadib Somtel oo dhowaan muqdisho ka hawl bilaawday ay fulisay amarka Xarakada Alshabaab, taasoo shirkada Hormood ku keentay in Gobolo badan oo Alshabaab awood ku leeyihiin in Isgaarsiintooda laga damiyo.

Isku soo wada duube Dawladda Soomaaliya ayaa hanan weysay amniga meelaha ay ka taliso taasoo sida la sheegayoxarakada Alshabaab ay ka fulin karto wixii ay doonto, shirkadii amarkooda diidana dhib badan ay u geysan karto ganacsigeeda.

 

Laamaha amaanka Dawladda oo aan shaqadooda qabsan ayaan la fileyn in awooda dawladu dhaafto wadada Maka Al Mukarama. Magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa in galabtii lagu arko xaafado badan oo magaalada kamid Alshabaab baabuurtooda wata oo ganacsatada iyo dadka deegaanka si kalsooniyu ku dheehan tahay hawlahooda uga dhex fushanaya.

Comments

comments


Shabakada Wararka eee Afrikada.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Mhajji00@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)

 

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles