Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Mooshinka Baarlamanka Somaliland uu maanta yeeshay, Madaxweyne Ahmed Siilaanyo oo ka hadlay, Cirro oo isna dawladda ku eedeeyey in ay Baarlamanka juq juqaynayso ( halkan ka akhriso kana dhegeyso )

$
0
0

Faallo culusAwdalpress – Hargeysa – Xummada siyaasadeed ee dhex maaxanaysa xukuumadda Ahmed Siilaanyo iyo garabka Cirro ee golaha Baarlamanka Somaliland, ayaa habeennadaba cirka ku shareerraa. Wararka na soo gaadhayaana waxa ay sheegayaan in ciyaarta meesha ka soctaa ay isu baddashay nooca loo yaqaan Ragbida, ee xoog xoogga lagu cayaaro.

Mooshinka maanta miiska yaallay, ee xildhibaannada goluhu ku kala  safnaana waxa uu ahaa mid ay garabta taageersan Guddoomiye Cirro ay doonayeen in labada guddoomiye xigeen ee golaha oo muddaba dudmo ku maqnaa xasaanadda laga qaado,  iyo dhinaca kale ee la socda xukuumadda oo iyaguna watay mooshin ah in la dhimo awoodda guddoomiyaha, taasina waxa ay subaxdii hore galaafatay in xildhibaannada joogtada ah shan ka mid ah uu Abdirahman Cirro casilo.

Maalinnimadii shalay ahaydna waxa dalka dib ugu soo wada noqday Madaxweyne Ahmed Siilaanyo oo muddo ku sugnaa dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska. Sidoo kale waxa isna aroornimadii hore maddaarka ka soo degey guddoomiyaha golaha wakiillada oo isna socdaal hal casho ah ku tegey magaalada Addis Ababa ee dalka Ethopia.

Labada ma’uulla markii ay qolka nasashada soo galeen waxa ay bixiyeen waraysiyo aad u kala geddisan. Guddoomiye Cirro ayaa waraysigiisa ku daray in mooshinka maanta ay xukuumaddu faraha kula jirto. Digniin ayaanu u diray. Halka Madaxweyne Ahmed Siilaanyo uu arrintaa kaga jawaabay in Baarlamanku uu sharci ku shaqeeyo, xukummaddiisuna ay sharci ku shaqayso, dhinac walbana looga baahan yahay in aanay xuduuddeeda soo dhaafin. Su’aal laga weydiiyey Madaxweynaha arrinta madasha wada tashiga oo shirkii ay ku baaqeen ee  WADA TASHIGA QARAN qaban doona bishan 10keedana, waxa uu caddeeyey in aanay shir noocaasi ah cid aan dawladda ahayni qaban karin.

Habeenkii xalay ahaana waxa la sheegayey in ay ergo odayo ahi u kala dab qaadayeen Wasiirka Madaxtooyada Hirsi Xaaji iyo guddoomiyaha Baarlamanka Abdirahman Cirro, balse aan lagu guulaysan in khilaafka jira daawo deg deg ah loo helo. Ta ugu qosolka badnaydna waxa ay ahayd in ay niman odayaal ahi gadhka qabsadeen wasiir Xirsi Xaaji oo isagu ku nidar galay in bur iyo biyo loo kala baxo, haddii laga digtoonaan waayo wixii wiiqaya dawladnimda Somaliland.

Doodda magaalada Hargeysa ayaa xalay lagu seexday in la dhawro waxa barri waagu ugu baryi doono iyo xaaladda siyaasadeed oo aad u cakirnayd. Saaka subaxdiina waxa xafiiska Baarlamanka iyo ka Madaxtooyada oo isku dhaw tubnaa ilaalo xoog leh iyo shacab aad u badan, oo sugayey in aan natiijada xiisaha leh maqalkeeda looga horreyn. Dadka qaarna waxa ay jeebadaha iyo dhinacyadaba ku siteen joornaallada magaalada ka soo baxa oo ay ka akhrisanayeen faallooyinka iyo wararka mooshinkan amma xurguftan, gil gili karta Somaliland.

Isku soo wada duuboo, waxa wararka saaka naga soo gaadhaya ilo u dhuun daloola xaalka Madaxtooyada iyo golaha Baarlamanka ay sheegayaan in saaka barqannimadii iyada oo xildhibaanno badani wada xiiqsan yihiin qaarkood ay ulo ku tukubayaan ammaba malaha hub ahaan u sii qaateen, la isugu yimid golihii, balse intii aan mooshinka la guda gelin uu shir guddoonku akhristay in aan maanta fawdo laga baxsanayn, santaana muuqataana aanay u fiicnayn golaha Baarlamanka, sidaasi daraaddeedna dib loo dhigo mooshinnada maanta, oo mar kale oo xaalku ka deggen yahay la isku soo noqdo.

Wixii warar ah ee dambe iyo faallooyinba leh waan idinla socodsiin doonnaa ee nala jooga.

Awdalpress.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles