Tan iyo Mudadii ka dambaysay shirkii wadahadalka ee Somaliland iyo Soomaaliya ku dhexmaray Turkiga waxaad moodaa in lagu muransan yahay macnaha Af Soomaali ay ku yihiin laba Erey oo ka mid ah luqada Ingiriiska oo kala ah (Atrocity and Genocide) waxaana doodaasi dhaliyay qodob ka mid ahaa heshiiska is Afgarad ee labada dhinac gaadheen oo uu ku jiray erayga(Atrocity) oo macnaha uu luuqada Soomaaliga ku noqonayaa yahay XADGUDUB, Arinta macnaynta ee Ereygaasi wuxuu keenay in weftigii Somaliland uga qaybgalay Shirkaasi Turkiga sida Fiinta uga qayliyo macnaha uu ku sharaxay Siyaasiga xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Waraabe, Wasiirka Arimaha dibada ee Somaliland Mr.Biixi Yonis oo u arkay in sumacad dil mucaaradku ku samaynayo weftiga ayaa ku macneeyay Xasuuq(Atrocity), Taasi oo dad badan oo Aqoon u leh turjumaada luqada Ingiriisku la yaabeen siyaasiga Erayga macno kale ugu fasiraya dadkiisa.
Hadaba markaan u soo gundo dego dulucda maqaalkan, isla markaana Araarta soo gaabiyo, waxaan is dul taagi doonaa muxuu yahay Xasuuq(Genocide) ? Dalalka Aduunkuna siday u aqoonsadaan sharciyan in goob amase wadan Xasuuq ka dhacay ? jawaabta labadaas suaalood ayaan ka fahmi doonaa dulcuda qormadan aan rabo inaan dadka ugu iftiimiyo waxyaabahan lagu jahawareeriyay bilawgii sanadkan iyo sanado hore oo aan ka soo gudubnay intaba XASUUQ, qofka bani’ Aadamka ahi waxa aanu Aqoon u lahayn amase garashadiisu gaadhsiisnayn hadii looga waramo wuxuu u fahmaa in ay tahay wax jira” Beenta oo lagu celceliyaana waxa loo qaataa RUN”
Soomaalida luqadeeda waxaa ku yar Ereyada loo isticmaalo dhanka Sharciga oo afka Soomaaliga ku yar sidaas awgeed ayaa eregayga Xasuuq qof kastaa ugu isticmaalaa tiro badan oo dad ah oo meel qudha lagu dilay “, Luqadaha kale ee Aduunka waxaa ka mid ah kelmedo kale duwan oo Erey bixin ah oo lagu macneeyo dhanka sharciga gefafka loo geysto Aadamaha ha noqoto luqada Carabiga, Ingiriiisiga iyo Afaf kaleba.
Aduunka aynu ku nool nahay waxay u yaqaanaan Xasuuq marka dad meel degen la dabargoynayo isirkooda amase cidhibtooda, waxaynu ognahay in sharciyada caalamka marka meel dagaal ka dhaco ee tiro faro badan oo dad ah lagu laayo la yidhaa Xasuuq ayaa halkaasi ka dhacay, waxa ka mid ah Ruwanda dalka la yidhaa, hadaba habka loo Aqoonsado dagaal meel ka dhacay in xasuuq yahay waxay tahay, Wadanka dagaalku ka socdo wakhtigaasi ayaa Jamciyada quruumha ka dhaxaysaa u dirtaa gudi soo baadha sida la isku dilay colaada halkaasi ka dhacday ama ka socotay, Gudidaasi iyagaa u gudbiya Golaha Amaanka, dagaalka oo socda ayaa goluhu soo saaraa in xasuuq ka socdo amase ka dhacay wadankaasi, isla markaana waxa la diyaariyaa qorshihii farogelin loogu samayn lahaa wadankaasi si loo badbaadsho dadka xasuuqu ku socdo, waxa kale oo golaha Amaanku soo saaraa Qoraalo Cambaarayn ah oo ay ku cadaynayaan in xasuuq dhacay si degdeg ahna waxay uga dalbadaan in loo joojiyo, tusaale ahaan dalka Bosniya markii Islaamka la xasuuqayay waatii degdeg loogu gurmaday ee ciidamo loo diray ee la badbaadshay ilaa hadana la daba joogo kuwii xasuuqa geystay. dhacdooyinka noocaasi ah iyo dariiqooyinkaasi ayaa la waafajiyaa xasuuqa(Genocide) balse maaha in cid aad leedahay waan kala go’aynaa oo laba dal ayaan kala noqonaynaa ii sexeex inaad na xasuuqdeen oo iyaguna ku yidhaahdaan dee Rajiimkii ma nihin, ee waxaan kuu ogol nahay in Xadgudub(Atrocity) dalkii Soomaaliya oo dhan ka dhacay..akhriste Isweydii wakhtigii dagaaladu ka bilawdeen Soomaaliya UNku muxuu ka soo saaray qaraaro ? ilaa maanta oo aanay degin Soomaaliya mar qudha ma odhan xasuuq ayaa dhacay..
Aan hoos u sii socono inaga oo shacabka u iftiiminayna laba Arimood oo ka dahsoon, kuwaas oo kala ah Siyaasiyiinta metelaysa Somaliland ma garasho la’aan ayaa ka haysay sidaas iyo macnaha ereyada ? iyo maxay yihiin weftiga yimid Somaliland ee lagu sheegay inay yihin khobaro u socda baadhistii Xabaalo ku yaal Hargaysa ? Jawaabta su’aasha hore ayaa waxay tahay Maya Aqoon daro ma jirto ee Ogaan garab mar ayay samaynayaan Siyaasiyiinta Somaliland intaas aan ku soo kobo taas.. Jawaabta su’aasha labaadna waxay tahay Khobarada timid Hargaysa laba mid ayay yihiin inay ka socdaan NGO, kaas oo ay dalka keeneen cid ku xumaynaysa xukuumada Somaliland iyo heshiiskii ay la gaadheen Soomaaliya ee Turkiga, Amase in weftigii xukuumada Somaliland shirka u metelayay dalbadeen kooxdan NGOga ah,si ay dadka Arintani ku muddan tahay ugu bayaamiyaan in wixii mucaaradku ka sheegayay weftigii tegay wadahdalka Turkiga uu ahaa wax aan jirin oo heshiiskoodii sax ahaa..
Isku soo wada duuboo, wax walba waxay ku soo biyo shubanayaan in bulshadii noqotay Duul Siyaasi qasay, isla markaana shacabka Somaliland iyo Siyaasiyiintoodu noqdeen kuwo metelaya filim kartoonka ciyaalka ee loo yaqaan TOM and JERY( BISAD iyo JIIRKA)..miyaanay markaasi ahayn XASUUQ ma Xeelad Siyaasadeedbaa mise Macnaha Erayga Somaliland ma Fahmin..
Hashim Goth
Borama