Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Dad lagu eedeeyay in ay ka tirsanyihiin Al-Shabaab oo maanta xukunno kala duwan lagu riday(Daawo Sawirada)

$
0
0

Awdalpress – Garawe – Maxkamadda Ciidammada Millatariga ee Maamulka Puntland ayaa maanta xukunno kala duwan waxa ay ku ridday rag lagu eedeeyay in ay katirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab oo falal ammaanka liddi ku ahaa ka waday deegaannadaasi.

Guddoomiyaha maxkamada Ciidammada  Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaaqay Xukuno sanado kala duwan ah oo lagu riday Sadax nin oo loo heesto in ay katirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab.

Raga Maanta Maxkamaddaasi  Puntland Xukunnada kala duwan ku ridday ayaa kala ahaa.

C/xakiim Cumar Guduudow- oo lagu xukumay 5-sano oo xarig
C/xakiim Cabdullaahi Xundul- oo isna lagu xukumay 10-sano oo xarig
C/raxmaan Muuse Cismaan- waxaa isna lagu xukumay xabsi daa’in

Maxkmaadda Ciidanka ee Puntiland ayaa sidoo kale xabsiga ka sii deysey Aweys Buule Saadiq oo isaga lagu waayay dambiyo markii hore lagu soo eedeeyay loona xiray.

Xabsiyada Maamulka Puntiland waxaa ku xidhan dhalinyaro badan oo qaarkood loo haysto in ay ka tirsanaayeen Xarakada Al-Shabaab , la sheegayna in falal ammaanka  darro lagu soo eedeeyey.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles