Awdalpress – Muqadisho – Duqeyn Culus oo Madaafiic ah ayaa xilligan ka dhacaya degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, iyadoona madaafiicda badi ay ku daateen xaafado ku dhaw dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Tiro madaafiic ah ayaa ku dhacday xaafado ku dhaw dhaw Xarunta Madxatooyada ee Villa Soomaaliy, waxaa sidaa oo kale madaafiic ku dhaceen xaafado kuyaala degmooyinka Gobalka Banaadir.
lama oga madaafiicda caawa ku dhacaya Magaalada Muqdisho halka laga soo tuurayo, waxaa sidoo kale aan la ogeyn in gudaha Madaxtooyada ay ku dhaceen Madaafiicda lagu soo garaacay Magaalada Muqdisho.
Weli lama hayo khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay madaafiicda caawa lagu garaacay Magaalada Muqdisho oo ah kuwa aad u tiro badan, iyada oo caawa Muqdisho laga dareemayo qal qal dhinaca amaanka ah.
Awdalpress.com