Awdalpress(Garawe)- 18 Feb, 14–Mas’
Shirka golaha wasiirrada maamulka Puntland ee shalay ayaa si weyn looga dooday qodobka dhigaya diiwaan-gelinta hantida madaxda maamulka.
Golaha ayaa sidoo kale sheegay in la isku raacay samaynta hay’ad cusub oo diiwaan-gelisa hantida, taas oo hoos tagi doonta wasaaradda maaliyadda ee maamulka Puntland.
Qodobka ah diiwaan-gelinta hantida madaxda maamulka Puntland ayaa ka mid ahaa qodobbadii uu ololihii doorashada ka sheegay madaxweynaha iminka talada haya ee maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
RBK




