Awdalpress(Muqdisho) 18 Feb, 14–Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo bandhigay markab casri ah oo laga leeyahay dalka Faransiiska, kaas oo la sheegay in uu rarka ka soo qaadi doono doonyaha iyo maraakiibta aan awoodin inay xilliga bad-xiranka soo gaaraan dekedda.
Markabka oo lagu magacaabo CMA waxaa loogu talagalay inuu fududeeyo howlaha dejinta iyo rarista ee dekedda.
Wasiir ku-xigeenka dekedaha iyo gaadiidka badda ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaalia Jamaal Xasan Ismaaciil ayaa sheegay inay dowladdu ku dedaaleyso in dekedda laga hirgeliyo adeegyo horumarsan oo heer caalami ah, si loo dardargeliyo horumarinta ganacsiga dalka.
Maareeyaha dekedda Muqdisho, Cabdullaahi Cali Nuur ayaa tilmaamay inuu markabku wax badan ku soo kordhin doono howlaha dekedda, gaar ahaanna in ganacsatada Soomaaliyeed ay dekedda ka helaan adeegyo casri ah.
RBK