Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Taliyaha Milatariga Somalia Oo Sheegay In Al-shabaab Hubka Ka Hesho Kooxda La Socodka Dabagalka Hubka Ee QM

$
0
0

PKM-Somali

Awdalpress(muqdisho) 19 Feb, 14— Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Guddida Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka cunaqabataynta hubka ee Somalia iyo Eriteria ay iyagu hubka siiyaan ururka Argagixisada ah ee Al-shabaab.

Kooxda la socodka Hubka Somalia ayaa iyagu todobaadkan horaantiisii Golaha amaanka ka dalbaday in sideedii lagu soo celiyo cuno-qabateynta Hubka Somalia ee la khafiifiyay, iyagoo ku sababeeyey hubka gacanta dawladda ka baxa oo Al-shabaab u gala.

Hase ahaatee Taliyaha ciidanaka Milatariga Somalia sareeyo guuto Daahir Aadan Cilmi {Indha-qarshe} oo shalay saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaymaha  ka soo baxay kooxda dabagalka hubka  ee dalalka Somalia iyo Eretria.

Taliyaha ayaa ku dooday inaanay suurto gal ahayn in dawladdu cadowgeeda hub u dhiibto, al-shabaabna dagaal adag ka dhexeeyo Ciidamada iyo dawladda, waxaanu tilmaamay in kooxdaasi daba galka hubku ay doonayso inay barnaamijka hubka sii mashruucasadaan.

Taliyaha ayaa ku eedeeyay dadka bixiyey macluumaadkaasi qaldan inay taakuleeyaan Al-shabaab oo aanay doonayn xasiloonida ummadda Somalia, waxaana uu ku tilmaamay dadka wararka been abuurka ah ka faafinaya ciidamada qalabka sida inay yihiin kuwo u adeega dagaalyahanada Al-shabaab, wuxuuna xusay in hubka ay Al-shabaab heystaan circa inuusan ka soo dhicin balse la siiyey, ayna aaminsanyihiin inay siiyeen kuwa warka beenta ah ka faafiyey dowladda Soomaaliya.

“Anigu waxaan aaminsanahay in kuwa hadda nagu eedaynaya inaan hub bixinay inay yihiin kuwa iyagu hubka siiya Al-shabaab, waayo ilaa markii ay Al-shabaab dagaalka ka bilaabeen Soomaaliya hub fara badan ayey helaysay waana in la helo dadka hubkaasi bixiya caalamkuna uu baaritaan ku sameeyo halka ay hubka ka hesho Al-shabaab, annaga xageena suurtagal mahan inaan bixino hubkii annaga nalagu dililaahaa” ayuu yidhi taliyaha.

Hadalka Taliyaha ayaa ku soo aadaya xili ay soo baxayaan warar sheegaya in kudhawaad 700 Askari oo ka mid ahaa Ciidamo uu dhawaan Taliyuhu Ciidamada Xooga ka rusqeeyay ay ku bireen iyagoo hubkoodii wata Dagaalyahanada Al-shabaab.

Sida uu sheegay Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada shaqada laga eryay oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay dantu askartaasi ku qasabtay ku biirida al-shabaab.

Haatuf


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles