Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Golaha Guurtida Oo Maanta Ku Dhawaaqaya Go’aanada Ay Ka Soo Saareen Khilaafka Wakiilada Labada Garab U Kala Jabiyay Iyo Qodobada La Saadaalinayo Inay Ku Soo Talo Bixin Doonaan..

$
0
0

Golaha-wakiillada-SomalilandAwdalpress(Hargaysa) 19 Feb,14–– Golaha Guurtida Somaliland ayaa la sheegay inay maanta si rasmiya ugu dhawaaqi doonaan go’aanada ay ka soo saareen ergadii dhexdhexaadinta khilaafaadka golaha Wakiilada oo ay xalintiisa u xilsaareen guddi ka kooban 15 xubnood, kuwaas oo kulamo la yeeshay labada garab ee golaha Wakiiladu ay ugu kala qaybsameen muranka ka taagan wax ka badalkii iyo kaabistii xeer hoosaadka wakiilada lagu sameeyay.

Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo u dhuun-daloola xubanaha aqalka odayaasha ayaa sheegay in kulan maalintii shalay ay guddida golaha Guurtidu ku yeesheen xaruntooda ay ku soo gunaanadeen natiijada ay ka soo saareen ay maanta si rasmiya ugu dhawaaqi doonaan go’aanada lagu xalinayo khilaafka wakiilada ka dhex taagan.

Ilaa hada si rasmiya looma oga go’aamada ay golaha Guurtidu kaga soo talo bixin doonaan mawqifyada ay kala taagan yihiin labada garab ee aqalka wakiiladu u kala fadhiyaan.

Hase yeeshee tibaaxo u dhuun daloola aqalka odayaasha ayaa sheegaya in golaha Guurtida la filayo in go’aanadooda ay kaga soo talo bixin doonaan khilaafka Wakiilada la saadaalinayo inay ka mid noqon doonaan soo jeedinta in qaabdhismeedka hore ee shirgudoonku u hogaamin jiray golaha sidiisii hore lagu celiyo, isla markaana wax ka badal dambe lagu sameeyo qodobkii hoos loogu dhigay labada gudoomiye ku xigeen in lagu sixi karo 42-ka cod loo badalo codkii 55-ka ee xeer hoosaadkii hore dhigayay in xubnaha shirgudoonka xilka lagaga qaadi karo.

Waxa kale oo tibaaxuhu intaa ku darayaan in qodobada soo jeedinta ah ee golaha Guurtida la filayo inay ku soo talo bixin doonaan, in golaha Wakiiladu go’aan gole ku anxisiyaan soo jeedimahooga si xeer hoosaadka golaha u dajisan loo waafajiyo wax ka badal dambe lagu sameeyo sharcigii cusbaa ee dhawaan ay anxisiyeen.

Waxa kale oo jira ilo wareedyo iyaguna tibaaxaya in golaha guurtidu la filayo in golaha wakiilada ay u soo jeedin doonaan, in wixii khilaaf sharci ee laysku qabto loo maro in cod hal dheeriya lagu kala baxo, isla markaana halka aqalabiyada codka goluhu noqdo go’aan loo wada hogaansamo

Dhinaca kale labada garab ee xildhibaanada golaha wakiiladu ay u kala qaybsameen oo la kala safan gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro iyo labadiisa ku xigeen Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed  ayaa xubnah amuxaafidka ah ee la safan ku xigeenadu waxay kala taagan yihiin in codka 55ka ah ee lagu ridi karo gudoomiye Ciro laga dhigo 42 cod, isla markaana lala simo 42 cod ee hoos loogu dhigay labada gudoomiye ku xigeen halka xubnaha mucaaridka ah ee garabka gudoomiye Ciro-na ay taagan yihiin in labada gudoomiye ku xigeen kor loogu qaado 55ka cid ee gudoomiyaha loo ansixiyay.

Gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo muddo bil iyo dheeraad ah socdaal caafimaad ugu maqnaa dalka UK ayaa isaguna barrito la filayaa inuu dalka ku soo guryo noqdo.

Haatuf


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles