Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Guddomiyihii Gobolka Banaadir Mudane Tarsan oo laga qaaday xilkii iyo wiil yar oo Madaxweyne Hassan reerkooda ah oo la keenay.

$
0
0

Tarsan_muungaabAwdalpress – Muqdisho – Wiil da’ yar oo lagu magacaabo Nuunow, oo dhashay sannadkii 1972kii, shaqadana ku bilaabay darajo faalsa ah oo Gaashaanle dhexe ah ayaa loo magacaabay guddoomiyaha maamulka Banaadir. Guddoomiyihii hore ee ku caan baxay shaqada xoogga lehna waxa la sheegayaa in reernimo lagaga qaaday xilkii.

Waxa weli Muqdisho ka socda qaraxyadii, maanta oo ugu dambeyseyna waxa badhtamaha magaalada Muqdisho ka dhacay qarax lagu fuliyey gaadhi laga soo buuxiyey walxaha qarxa, waxana laga fuliyey Makhaayad ku taalla xaafad ku taalla badhtanka Muqdisho, halkaa oo ay dad badani ku nafwaayeen.

Isla markiiba sida dawladda caadada u ah waxa ay tacsi u dirtay eheladii dadkii ku geeriyooday qaraxaasi. Al Shabaabna waxa ay sheegatay in ay ciidankooda naftood hurayaasha ahi fuliyeen.

Siyaasiyiin ka soo jeeda beelaha Murursdane ayaa iyagu kalsoonidii kala noqday Madaxweynaha Somalia iyo dawladdiisa jilicda san.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles