Awdalpress – Muqdisho – Warar ka imanaya Madaxtooyada Somalia oo dad xog ogaal ahi na soo gaadhsiiyeen ayaa sheegaya in markii dagaalyahanada Al Shabaab oo miinaysani soo galeen gudaha Madaxtooyada. Ayaa Ciidammadii Yugandiiska ahaa ay markiiba hor carareen , iyaga oo qoryihiina tuuray. Laakiin waxa caabbiyey bay leeyihiin ciidammada Koofiyad casta ah ee ilaaladaha madaxtoooyada, oo halkaa ku laayey dhammaanba ciidankii Al Shabaab.
Waxana ku geeriyooday labadii mas’uul ee hore loo sheegay iyo laba askari oo mid reer Djabouti ahaa.
Fadeexaddan fulaynimada ah ayaa muujinaysa in aanay ciidanka AMISOM diyaar u ahayn in ay la dagaallamaan Al Shabaab. Balse ay dalka u joogaan in ay mishahar fiican ka qaataan. Hase yeeshee, waxa ay dadku leeyihiin ciidanka Ethopia ka socda ayey Al Shabaab aad uga cabsataa.
Awdalrpess.com