![Saylac silanyo]()
Awdalpress(Lughaya) 12 Mars, 14–Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo iyo weftigii uu hogaaminaayey oo ku guda jira Maalintii labaad Socdaalkoodii shaqo ee Gobolada Awdal iyo Selel ayaa saaka waxa uu la quraacday Dadweynaha Magaalada Saylac, kadibna waxa uu madaxweynuhu dhex-lugeeyey Magaalada Saylac, isaga shacbiga reer Saylac kula hadlay goob-fagaare ah, kulankaasi ka dibna madaxweynuhyu waxa uu halkaasi ka sii ambaqaaday socdaalkiisii ahaa u kuurgelida iyo… ka warhaynta Shacbi weynaha Gobolada Awdal iyo Selel isaga oo saacadu markay ahayd 1:30PM ku soo beegmay Lughaya oo uu madaxweynuhu kala kulmay soo dhawayn aan loo kala hadhin hadii ay tahay Cuqaal, Sulaadiin, Culimo awdiin, Xildhibaano, Masuuliyiin. Isaga oo madaxwweynuhu soo dhawayn taasi kadibna dhagax-dhigay Deked ay yeelan doonto Lughaya.
Halkan ka dhegayso Codka Madaxweynaha ee dhagax-dhiga lughaya, iyo Xildhibaan Axmed Yaasiin iyo Wasiirka Boosaha oo halkaasi ka hadlay.
http://www.sendspace.com/file/6k8zz8
Intaasi ka dibna waxa Wftiga madaxweynaha hadhimo sharafeed looghu sameeyey Lughaya, ka dibna waxa uu u sii watay Madaxweynuhu Safarkiisa.