Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Cali Guray oo ka mid ah Xisbiga UCID oo Eedeeyay Musharaxa M/xigeenka xisbiga UCID iyo C/rashiid Mataan oo ka Jawaabay degdeg

$
0
0

57Awdalpress(Borama) 12 Mars, 14–Cali Guray oo ka mid ah Xisbiga UCID oo Eedeeyay Musharaxa M/xigeenka xisbiga UCID, qoraal uu soo dhigay barta facebook ee uu leeyahay Siyaasigan Cali Guray oo ku dhaliilayo Musharxa M/xigeenka Ucid ayaa u qornayd sidan ”

Waxan aad ula yaabanahay musharaxa madaxwayne ku xigeenka ee UCID kamuu hadal lama na yaabin ninkii masaajidka tukinayay ee yidhi 74 qof bay SNM Borame ku xasuuqday lakiin waxa isaga ka yaabiyay in aan sheego wixii aan goobjooga u ahaa ee maalinta qiyaamaha ee la qatan yahay ee la wada qaawan yahay la aniga la i waydiin doono. Midda kale miyaanu ogayn xisbiga uu ka musharaxa yahay ba in waxa uu u taagan yahay ba uu yahay cadaalad iyo daryeel mise waxa aanu wadno ayaa sidii AH…N berkedii Xasan Sh. Cismaan Nuur sheegay ah DUSHA KA SUMUNI HOOSTA KA SEDEX GAMBO. Anigu ma aqaan mana waafaqsani siyaasadda ku dhisan beenta iyo khiyaamada in dadka lagu dhaqo. Hadaan qalad qaadanayo saaxiibkay Axmed Silanyo aan iska ag fadhiyi lahaa oo weli ba abaal iyo ajar iigu hayn lahaa wax aan doono na ka heli lahaaye isaga isu maanu nimaadneeba. Siyaasadda na isagoo fiyaaradda taagan oon albaabka ba ka soo gelin eh shaqadiisa iska haysta Caligurey is kama maageen “
Jawaab C/rashiid Xasan Mataan ayaa u qornayd sidan” Waa ayaan darro in masuul sare oo ka mid ah Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelku uu qayb ka noqdo barnaamijyada xaalad abuurka ah ee ay xukuumaddu ka dhaqdhaqaajina…yso bari iyo galbeedba. Ma qabo in Muwaaddin udhashay S/land, uu cidna fasax uga qaadnayo deegaankiisa iyo meelkasta oo uu ka rabo in uu ka dego S/Land. Waxaan wada ognahay in S/Land ay Soddonkii sano ee u dambeeyeyba ku jirtay barakac iyo qoxooti gudaha dalka iyo dibbaddiisaba, nasiib wanaagna aynu dib uga soo kabanayno dhibaatooyinkaa maantana ay inoo cammiran yihiin magaalooyin badan, waana wax lagu farxo lana dhiirri geliyo.   Islamarkaana waan soo dhowaynayaa muwaadin kasta oo tacmiirta magalooyinka S/Land qayb kaqaadanaya, markhaatina uma baahna in loo furo, umana baahna in ay Dawladi dabada ka waddo ama hor oroddo. Barnaamijyada aanu ku rabno codka shacabkuna waa kuwo ku qotoma, dhowrista wada noolaanshaha, kobcinta xuquuqda shakhsiga iyo abuurista Qaran lawada ilaashashado.  Si loo helo taa waa lagama maarmaan in laga dhowrsado wax kasta oo wax-udhimaya haddii ay tahay hadal ama ficilba.”
Awdalpress/Facebook

Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles