Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Reer Saylac Dhexdooda Ha Is-yar Xantaane Waa Dad U Bisil Dawladnimada Oo U Oomanaa Inay La Kulmaan Madaxwaynahooda, Wuxuu Indhiiisa Nagula Arkay Wixii Tabasho Aanu Qabnay. Xuseen Iidle Duqa Saylac

$
0
0

Saylac silanyoAwdalpress(Saylac) 13 Mars, 14–Maayarka degmadda Saylac ee xarunta gobolka Salal Md Xuseen Iidle Barkhadle ayaa tafaasiil ka bixiyey dareenka bulshadda deegaanadaasi ee socdaalkii uu Madaxwayne Siilaanyo iyo waftigiisu habeen-hore ku tageen Magaaladaasi, kaas oo uu ku sifeeyey mid faa’ido badan u lahaa shacbiga deeganadaasi, isla markaana uu madaxwaynuhu la arkay tabashooyin iyo baahiyo ka jira halkaasi.

Duqa Saylac Xuseen Iidle waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay waraysi khaas ah Haatuf ku siiyey khadka telefoonka isaga oo ku sugan magaaladda Saylac, ayaa waxa uu amaan u soo jeediyey madaxwayne Siilaanyo iyo xukuumadiisa oo uu xussay inay mudadii ay xilka haysay ay waxbadan ka qabatay baahiyaha dalka yaal, isaga oo tilmaamay inay door muuqda ka ciyaartay horumarinta adeegyadda bulshadda rayidka ah.

Xuseen Iidle Barkhadle waxa uu sidoo kale cambaareeyey wareegtadii uu maalintii Isniintii soo saaray Wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta C/risaaq Khaliif Axmed oo uu ku eedeeyey inuu ku degdegay go’aanka uu dawladaha hoose kaga joojinayo adeegyadii ay qaban-jireen, isaga oo qoraalkiisa ku tilmaamay mid sharciga wadanka baalmarsan oo aan waligii fulaynin.

Sidoo kale waxa uu maayarka Saylac sheegay inuu Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ka codsaday inuu wasiirka hawlaha guud shaqadiisa u tilmaamo. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya booqashadii madaxwaynaha ee gobolka Salal, waxa uu yidhi “Reer Saylac waa dad muwaadiniin ah oo jecel dadkooda iyo madaxdoodaba, isla markaana waa dad aan inta badan samaynin rabshadaha magaalooyinka kale ee dalka ka dhaca sida mudaharaadada oo iyaga dhexdoodu ha is-yar xan-xantaane reer Saylac waa dad u bisil-dawladnimada, isla markaana markii uu Madaxwaynaha qaranku soo gaadhay magaaladda waxay dadku u eekaayeen dad u oomanaa inay la kulmaan madaxwaynahooda oo sacab iyo sawaxan dheer ayey ku soo dhaweeyeen madaxwaynaha iyo waftigiisaba. Farxada iyo taageerada ay dawladu kala kulantay Saylac waxaynu odhan karnaa waxay ku kasbatay waxqabadka muuqda ee ay samaysay mudadii saddexda sano iyo dheeraadka ahayd ee ay jirtay xukuumadda xisbiga Kulmiye. Waxqabadka aynu sheegayno-na waxa ka mid ah oo aynu ka xusi-karnaa bixinta darajada ciidamadda qaranka, ka badelidii lacagtii Siyaad Barre ee goboladda bari ee dalka oo imika gabi-ahaanba ay xukuumadu wada gaadhsiisay lacagta Shiling Somaliland-ka, sida loo qurxiyey ee dib u casriyeynta loogu sameeyey xafiisyada dawladda ee magaaladda Hargeysa oo hay’ad-kasta dhisme quruxbadan loo dhisay iyo guud ahaanba doorka ay dib u dhiska wadooyinka dalka oo dhan ku leedahay xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo oo run ahaantii aan odhankarno waa horumar iyo waxqabad muuqda oo aan cidi-qarinkarin”.

Duqa degmadda Saylac Xuseen Iidle isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaasi raaciyey “Waxaynu odhankarnaa xukuumadda Xisbiga Kulmiye waxay Saylac ku leedahay taageerayaal tiro badan oo waxaad ka garankartaa sidii dadku ay Madaxwaynaha iyo waftigiisa lahaayeen oo ay u qaadayeen hay-hay oo waligaa ha dhicin oo soo dhawaw madaxwayne, waanu arkaynaa horumarka aad samaysay mudadii aad xilka haysay, markaa arrimahaas oo dhami waa kuwo jira, isla markaana hadii aynaan keena wax qabta aynaan hambalyeynin oo aynaan dhiiri-galinin waxba inoo hagaagi maayaan oo dalkeenu heli maayo madax fiican oo bulshadooda wax u qabata”.

Isaga oo ka hadlaya isla socdaalka madaxwaynaha iyo arrimaha ay ka filayaan inuu soo kordhiyo, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Socdaalka madaxwaynuhu ku yimid Saylac waxaynu odhankarnaa faa’ido wayn ayaa bulshadda deegaankan ugu jirta oo waxay noo soo kordhinaysaa oo wixii dhibaato iyo tabasho aanu qabnay oo uu madaxwaynuhu indhihiisa nagula arkay, waxa kale oo uu madaxwaynu nala arkay ayaxa deegaanka aafeeyey ee dhibaatada nagu hayey oo madaxwaynuhu nala arkay. Waxa kale oo uu madaxwaynuhu nala arkay baahiyaha caafimaad ee ka jira dalka iyo gaadiid la’aanta laamaha dawladda ee degmadda Saylac, biyo-la’aanta iyo waddo-xumaanta, markaa adigu wax badan oo qorsoonaa ayuu arkayaa oo waxaanu rajaynaynaa inuu madaxwaynuhu degdeg uga qabto baahiyaha ka jira deegaanka. Waxa uu imika madaxwaynuhu noogu bushaareeyey dhismaha jidka isku xidhaya Boorama iyo Saylac oo uu soo dhagax-dhigay shalay, taas oo mihiimad wayn u leh isku-xidhnaanta dalka, waxa kale oo uu noo balanqaaday madaxwaynuhu in arrimaha caafimaadka ay dawladu wax ka qaban-doonto oo imikaba sida uu wasiirka caafimaadka Xaglo-toosiye noo balanqaaday uu noo sheegay inuu baabuur Ambalaas ah keeni doono Saylac, waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay wasiirka kaluumaysiga oo isaguna madashaasi ka balanqaaday inuu keeni doono qaboojiyeyaal ay kaluunka ku kaydsadaan kaluumaysata deegaanku, markaa adigu in madaxwaynaha socdaalkiisa mihiimad-wayn u leeyahay deegaanka ayaa xaqiiq ah, waxaanan rajaynayaa inuu noqdo mid midha-dhala”.

Maayarka Saylac Xuseen Iidle mar wax laga waydiiyey sida uu u arko wareegtadii wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta C/risaaq Khaliif Axmed oo isagu maalintii Isniintii soo saaray, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Fagaarihii uu madaxwaynuhu maanta kula hadlayey bulshadda magaaladda Saylac ayaa markii aan ka hadlayey waxa aan fagaarahaasi kaga hadlay isla wareegtadaas uu soo saaray wasiirka hawlaha guud, waxaanan ugu horayn madaxwaynaha ku hambalyeeyey digreetadii uu soo saaray ee uu ku jidiidinayey xeerka Lr 17/2001 ayaan u cadeeyey inaanu madaxwaynaha ku raacsanahay  kuna amaanayno laakiin qoraalkan danbe ee uu soo saaray wasiirka hawlaha guud waa qoraal sharciga baalmarsan oo uu wasiirku ku simbiraraxday, mida kale waxaan madaxwaynaha u sheegay in wasiirka hawlaha guud isaga oo aan xataa wasaaradayadii arrimaha gudaha aan waxba noo soo marin ayuu toos u abaaray arrin aanu xaq u lahayn oo taasina waa mid cadaynaysa..

Haatuf


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles