Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Marxuum Mohamed Saleebaan Tubeec oo maanta lagu aasay magaalada Muqdisho.

$
0
0

saleebaanAwdalpress – Muqdisho – Allaha u naxariistee waxa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay Marxuum Maxamed Suleymaan Tubeec oo ay Somalidu u yiqiinneen boqorkii codka. Marxuumka ayaa toddobaadkii hore ku geeriyooday cusbataal ku yaalla dalka Jarmalka. Laakiin aaskiisa oo moran badani ka taagnaa ayaa ugu dambayntii lagu aasay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia. Aaskiisa oo aad looga qaybgalay, ayaa waxa ka mid ahaa mas’uuliyiin uu ka mid ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo fannaanadadda weyn ee Hibo Mohamed Hoddoon ( Hibo Nuura )

 

Aaska marxuumka ayaa iyana looga diyaargaroobay dhinaca Somaliland, waxana heegan la geliyey guddi wasiiro iyo mas’uuliyiin kale isugu jira oo uu ka mid yahay abwaanka weyne ee Hadrawi, oo la filayey in Fannaanka lagu aaso magaalada Berbera oo la sheegay in uu ku dar daarmay. Laakiin haddii warkaasi jiray may suurtoobin.

 

Waxana saaka Meydka marxuumka laga soo dejiyay garoonka Aadan-cadde; iyadoo ay la socdeen qaar ka mid ah qoyskiisa, waxaana salaadda Janaasada lagula tukaday dugsiga tababarka ciidanka booliiska ee Jeneraal Kaahiye.

Aaska marxuumka loo samayeeyey ayaan loo kala hadhin,waxaana ka so qaybgalay wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Ridwaan Xersi Maxamed, wasiirka warfaafinta Mustaf Sh. Cali Dhuxulow, wasiirka duulista hawada Siciid Qoorsheel, wasiirka amniga Qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed, wasiir ku xigeenno, fannaaniin, abwaanno iyo dadweyne fara badan.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images