Awdalpress – Shabeelada hoose – Ciidammada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay ku dhaqaaqay Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ka bexeen ciidammada Xarakada Al-Shabaab oo muddo sannado ah gacanta ku hayey.
Goob jooge ku sugan Degmada Qoryooley ayaa warbaahinta u sheegay in saakay subaxdii hore Al-Shabaab bilaabeen in ay isaga baxaan Degmada Qoryooley, waxa uuna tilmaamay goob joogahan in ciidanamada Shabaab afka saareen Dhinaca Deegaanka Buulo Mareer iyo sidoo kale Degmada Baraawe.
Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa hada la soo sheegayaa in ay gacanta ku hayaan Degmada Qoryooley , Ciidamada ayaa sidoo kale la wareegay Deeganno dhawr ah oo hoos taga Degmada Qoryooley sida ay xaqiijiyeen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Sh/Hoose.
Shacabka degmadaasi ayaa qaarkood saakay ka barakaceen Degmada Qoryooley , Goobaha ganacsi ee degmadasai ayaa inta badan saakay xidhan waxaana jira cabsi ay dadku ka qabaan in ciidaada Degmadaasi galay iyo kuwa ku wajahani dhibaato kala kulmaan.
Awdalpress.com