Awdalpress – London – Intii muddo ahba waxa ay shacabka reer Dilla gudo iyo dibadba ku hawlanaayeen, sidii ay u suurta gelin lahaayeen dhismaha guri ay dadka degaanku ku tashadaan, isugu yimaaddaan ama xafladaha ku qabsadaan. waxana go’aankiisa lagu gaadhay shirkii guud ee ay beeshu isugu timid magaalada Dilla.
Dhismaha gurigan oo ka koobnaan doona xafiis, guriyo martida loogu tala galay, hool lagu shiro iyo barxad weyn oo ay dadku isugu yimaaddaan ayaa ah kii ugu horreyey ee noociisa ah ee laga dhiso degmada Dilla.
Gurigan oo ay dhismihiisa iska kaashadeen qurba joogga ka soo jeeda degaanka Dilla iyo qol qol joogga ayaa waxa immiga la wadaa dhismihiisii oo ku socda si iskaa- wax-u-qabso ah. Waxana Jaaliyadaha dibaddu ay sameeyeen guddi hawshaa ka qayb qaadata.
Shacabka reer Dilla ayaa u muuqda kuwo immiga ka soo kabanaya dhibtii ka soo gaadhay dagaalladii sokeeye, ee degaanka iyo dadkaba halakeeyey, waxana aad uga socda dib u dhiska guriyihii muddada dheer dunsanaa iyo maamul daadajin. Laakiin weli waxa ay tabayaan kaalmada caalamiga ah iyo ka maamulka Somaliland. Waxase aad ay ugu rajo weyn yihiin in ay si weyn uga hawl geli doonaan arrimahaasi.
Warkii ugu dambeeyey ee dhismaha guriga civic centre ka waxa aan ka hellay barta uu facebook-ga ku leeyahay Dr. Abdirahman Geeljire oo shalay booqday magaalada Dilla, ayaa boggiisa interNetka soo geliyey sawirrakan aad dusha ku arkaysaan, oo muujinaya sida ay hawshii u socoto.
Jaaliyadda qurbahana waxan leenahay ha u kala hadhina dhismaha gurigaa weyn ee saldhigga u noqon doona talada degaanka.
Kaalmo ka geyso talada dadkaaga iyo dalkaaga oo dhismaha guriga odayada dhaqanka iyo waxgaradku isugu imanayaan ka qayb qaado.
Shacabku marka ay isku tagaan waa quwad, wax walbana ay samaysan karaan.
Waa naftaadee naanida ha jabin.
Wixii faah faahin ah ee gurigan ku saabsan waa la idinla socodsiin doonaa.
Awdalpress.com