Taariikhda xasuuqyadii dunida soo maray ayaa cilmi-yahannada sooyaalku ay in badan wax ka qoreen, waxanan maanta akhristayaasha u soo bandhigaynaa mid ka mid ah dhacdooyinkii ay ummadihii hore qaarkood soo mareen iyo sidii ay isku soo xasuuqeen.
Buugga la yidhaa KUWII DUNIDA UGU XUMAA oo aan soo akhriyey ayaan sheekadan ka soo tarjumay:
Buugga aan sheekada xasuuqyada dunida soo maray qaarkood aan ka soo tarjumay waxa la qoray wakhtigii uu socday dagaalkii Kosovo. Qoraaga buugguna waxa uu hordhaciisa ku bilaabay sidan:
Maalin walba xasuuq ayaa nooga muuqda shaashadaha Telefishannada caalamka. Si gaar ahna ugama hadlayo xasuuqii dhacay xilligii ay Yugoslavia kala goo-go’aysey. Haddii aan ka hadlo xasuuqii lagu gumaaday Serb oo ka mid ahaa Kosovankii aan hubka haysan ama Nato sidii ay diyaaradahooda iyo madaafiicdoodu u duqeeyeen gaadhi Bas ah oo Serbiya ku sugnaa, waxa ay noqonaysaa in aan taasi ka dhigayo xasuuqii ugu xumaa ee ka dhaca caalamka, dabadeedna dadka taariikhda akhriyaa way ila yaabi. Waxanse iska jeclaystay in aan si gacan togleeyn ah bal hal hal u soo qaato falalkii Axmaqnimda ahaa ee ay taariikhyannadu ugu yeedhaan ( Barbarism ) ee run ahaan dunida soo maray.
Waayadii hore bani-aadamnimada oo xeerar lihi may jirin, ilbaxnimaduna mid aad u danbaysa ayey ahayd, sidaasi daraaddeed ayaanu dadku si fiican u dhaqmi jrin. Waxana aad u badnaa falalka Axmaqnimda ee aan caddaaladdu meella u soo marin iyo is xasuuqa kuwaasi oo iyagu sharciba iska ahaa wakhtiyadaa hore.
Falalka laga argagaxo immiga ee ay dadku waayadii hore ku hoos noolaayeen waxa ka mid ahaa in dil wadareedyo la sameeyo, oo dad badan la gubo, nolosha lagu xabaalo iwm.
Qarnigan arrimaha noocaas ahi badi ma dhacaan, oo dadka ayaa is fiican u dhaqma. Xuquuqda Bani Adaminimo ayaa aad loo xaq dhawraa. Taasi macnaheedu maaha in aanu haddana xasuuq dhicin ama aanay dadku isku geysan dibin-daabyo iyo xasuuq.
Dhacdooyinka xasuuq ee qarniyadii hore dhacay waxa aan ku soo qaatay qaar aan weli hore loo soo qaadan, oo aan si weyn wax looga qorin, oo aan xataa marnaba la magac dhabin falalkii uu geystay dilaagii la odhan jiray Genghis Khan ee asal ahaan ka soo jeeday Mangolia. Kaasi oo si dhib yar u xasuuqi jiray shacab aad u tiro badan. Waxa uu ka mid ahaa qaatilladii taariikhda caalamka ugu xasuuqa badnaa, sida taariikhyahannadu sheegeenna waxa uu daba ordayaa Stalin iyo Hitlar oo uu saddexaynayey.’
La soco taxanahan
Waxa soo tarjumay
Ahmedweli Goth




