Awdalpress – Muqdisho – Wakiilka Qaramada Midoobay ee dalka Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa si adag uga hadlay xiisadaha ka aloosan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kuwaasi oo u dhexeeya taageerayaasha maamullo iska soo horjeeda oo Baydhabo laga dhisayo.
Danjire Kay ayaa sidoo kale cambaareeyay dilkii siddeed oday dhaqameed loogu geystay duleedka degmada Buur-hakaba, kuwaasi oo ka mid ahaa odayaashii wax ka dhisay maamulka Koonfur-galbeed ee lixda gobol.
“Waxaan cambaareynayaa dilkaas cadownimda leh ee odayaasha loo geystay, tacsi ayaan u dirayaa ehelladii marxuumiinta. Waxaan ku baaqayaa in kooxihii falkaas ka dambeeyay lasoo qabto, lana horkeeno cadaaladda,” ayuu danjire Nick Kay ka dhex sheegay shir ay Addis Ababa ku yeesheen guddiga golaha ammaanka iyo nabadda ee AU-da.
Dhanka kale, ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa ku baaqay in xiisadaha ka taagan magaalada Baydhabo lagu dhammeeyo wadahadal iyo nabad, waxana uu ugu baaqay dhinacyada isku haya siyaasadda inay dhistaan maamul ay ku mideysan yihiin.
“Waa muhiim in dhammaan dhinacyadu ay ka shaqeeyaan sidii wax looga qaban lahaa arrimaha ka jira Baydhabo iyo inay dhisaan maamul ay ku mideysan yihiin oo waafaqsan dastuurka dalka u dagsan,” ayuu yidhi Kay.
Madaxa xafiiska UNSOM wuxuu soo dhaweeyay hindisaha dawladda Soomaaliya ee la isugu keenayo madaxda siyaasadda iyo kuwa dhaqan si xal looga gaaro xiisadda ka taagan magaalada Baydhabo.
“UNSOM waxaa ka go’an inay taageerto dadaallada dowladda Somalia iyo ururrrada caalamiga ah, sida howlgalka Midowga Afrika (AMISOM), IGAD iyo Midowga Yurub; si horay loogu wado qorshayaasha lagu dhisayo maamullada gobollada dalka,” ayuu mar kale yiri ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Danjire Kay ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay ku socoto jidkii lagu hirgelin lahaa nidaamka federaalka, sidoo kale waxaa socda qorshayaal lagu horumarinayo ammaanka, sharciyada, looga hirgelinayo deegaannada Al-shabaab laga saaray waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha, sida waxbarashada iyo caafimaadka.
“Waxaan hubaa in marka la gaaro sannadka 2016-ka la gaari doono waxyaabaha haatan lagu riyoonayo oo dhan, oo ay ka mid yihiin sidii doorasho xor ah lagu qaban lahaa,” ayuu Dajire Kay hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay.
Tixraac: Hol
Awdalpress.com