Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Dawladda Kenya oo maamulka Muqdisho ka codsatay in loo soo gacan gesho rag Al Shabaab ka tiran oo Moqdisho qaar ay joogaan, oo dalka Kenya ka fuliyey falal argagixisnimo

$
0
0

kenyaAwdalpress – Nairobi – Rag lagu tuhmayo in ay Al-Shabaab ka tirsanyihiin oo falal amaan darro ka geestay gudaha Kenya, ayaa Dowlada Kenya  ka codsatay Dowlada Soomaaliya in ay gacan u soo gashaan,  kuwaa oo hada la tuhmayo qaarkood in Soomaaliya joogaan. Laakiin lama shaacin magacyada dadka lagu tuhunsan yahay Al Shabaab ee Somalia lagu sheegay, dawladda Somaliyana weli kamay hadlin.
Balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowlada Kenya ay gacanta ka saartay Laamaha ammaanka Dowlada Soomaaliya liis ay ku qoran yihiin Magacyada xubno lagu eedeeyay in falal argagixiso ka abaabuleen gudaha Kenya kuwaa oo la sheegay in usoo baxsadeen dhinaca Soomaaliya.

Xubnaha Dowlada Kenya ay daba joogto ayaa la soo warinayaa in ay joogaan Magaalooyinka Dowlada Soomaaliya maamusho gaar ahaan Muqdisho , waxaana Dowlada Kenya ka codsatay Dowlada Federaalka in ay gacan ka siiyaan soo qabashada raggaasi la tuhmayo.

Ciidamada Kenya ayaa dhawaan gacanta ku dhigay labo nin oo watay gaadhi ay saarnaayeen walxaha qarxa oo marayay Magaalada Mombasa , ragga la qabtay ayaana sheegay magacyada xubno falkan lug ku lahaa oo qaarkood Soomaaliya u baxsadeen.

Lama oga sida ay DowladaSoomaaliya u fududaan doonto soo qabashada magacyada ay Dowlada Kenya u soo gudbisay , waxaa kale oo la isweediinayaa hadii la qabto xubnaha la raadinayo oo Soomaali ah,  Dowlada Soomaaliya ma Kenya ayey u gacan galin doontaa mise Dowlada ayaa maxkamadeyn doonto?

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles